Askar Dumisay Masaajidyo Iyo Dagaal Socda Dhagaxleey

Thursday June 30, 2011 - 21:32:40
0 Comments
1082
Super Admin
Nairobi Iska-hor imaad Xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Booliiska Dalkani Kenya iyo Saraakiil ayaa ka soconaya Xeradda Qaxootiga Dhagaxleey,kaasoo bilowday Markii Ciidamo Kenyan ah ay bilaabeen innay bur-buriyaan Masaajidyo iyo Goobo Ganacsi oo ku yaala Xeradaasi.
Goob joogayaal ayaa ku soo Waramaya in Ciidamadda Booliiska Kenya ay adeegsanayaan Sunta Dadka ka ilmaysiisa iyo Rasaas Nool Nool halka Dadka Caraysanina ay adeegsanayaan Dhagxoon.

Iska hor imaatidka oo soconayaa ayaa lagu soo Waramayaa innuu yahay mid Xoogan oo gaystay Khasaare isugu jira Dhimasho,Dhaawac iyo Bur-bur soo gaaray Xarumo Ganacsi.

Sikastaba ha ahaatee Ciidamadda Booliiska ayaa doonayay innay baneeyaan Wadooyinka halka Dadkuna ay diidanyihiin oo ka soo horjeedaan.

Burtinletimes Nairobi Kenya

Burtinletimes@gmail.com.



Related Items


Leave a comment