Diyaradaha Drones-ka Oo Dul Hehaabaya Kismayo.

Friday July 01, 2011 - 16:34:56
0 Comments
1135
Super Admin
Kismaayo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee la yiraahdo (Drones) ayaa Maanta oo Jimce ah dul heehaabaya Hawadda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose,sida ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.
Ciidamadda Al-Shabaab ee Magaaladda Kismaayo ayaa Heegan Buuxa la geliyay,mana jiro wax War ah oo ka soo baxay Maamulka Al-Shabaab ee Gobalka Jubadda Hoose.

Shacab-ka Magaaladda Kismaayo oo horay uga argagaxsanaa Weerar-kii ka dhacay Duleedka Magaaladdaasi ayaa haatan waxaa soo food saartay Cabsi iyo Wel-wel ay ka qabaan Weeraro ay geystaan Diyaaradahaasi.


Weerarkii Duleedka Magaaladda Kismaayo oo lala beegsaday Xarun Milateri oo Shabaabku leeyihiin ayaa waxaa fuliyay Diyaaradaha (US Drones) ee aan Duuliyaha laheyn.

Buritnletimes Kismaayo

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment