Maraykanka Oo Sheegtay Weerarkii Cirka Kismayo.

Thursday June 30, 2011 - 22:19:57
0 Comments
856
Super Admin
Washinton Xukumadda Washinton ayaa markii ugu horaysay sheegatay Weerarkii dhinaca Cirka ahaa ee ka dhacay Duleedka Magaaladda Kismaayo gaar ahaan Xarun Milateri oo ay Al-Shabaabku lahaayeen.
Maraykan-ka ayaa Weerarkaas u adeegsaday Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee loo yaqaano (Drones),sida uu Shaaciyay Wargays-ka Washington Post.

Sarkaal u hadlay Maraykan-ka ayaa sheegay in Bartilmaameedkoodu uu ahaa Dagaalyahanadda Al-Shabaab oo xiriir la leh Urur Weynaha Al-Qaa'idda.
Weerar Dhimasho iyo Dhaawac gaystay ayaa Todobaadkii tagay ka dhacay Xero Milateri oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Duleedka Magaaladda Kismaayo.

Shabaab-ka ayaa horay Weerarkaan ku tilmaamay mid ay gaysteen Diyaarado laga leeyahay Dalalka Fransiis-ka iyo Maraykan-ka.
ikastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa noqonaysa Dalkii 6-aad oo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyni ay Weerar ka fuliyaan waxaana horay ay Weeraro uga fuliyeen Dalalka Pakistan,Afghanista,Yamen,Liibiya Iyo Ciraaq.

Burtinletimes Washinton.

Buritnletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment