11-Eedeysane oo loo qabtay weerarkii lagu qaaday xulka Koofur Galbeed

Wednesday January 17, 2024 - 20:22:12
0 Comments
66
ahmed raajaa
MUQDISHO
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 11-eedeysane loo qabtay weerarkii 12-dii bishan lagu qaaday xulka Koofur Galbeed, xilli ay ka soo laabteen cayaartii ay la dheeleen xulka Galmudug saacaddu markii ay aheed 5:45pm, iyaga oo ku wajahan hoyga ay Muqdisho ka daganaayeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo ka kooban 9-rag ah iyo 3-dumar ah loo hayo caddeymo horudhac ah inay ku luglahaayeen weerarka cayaartoyda.

Hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka sirdoonka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa suura geliyey in kiiskaas loo soo qabto eedeysanayaashan oo la horkeeni doono cadaaladda

 

Related Items


Leave a comment