Munaasabadii Qalan jabiska iyo Maalinta Xornimada Somaliya ee dhalinyarada SALSI. Warbixin

Saturday July 02, 2011 - 02:18:37
0 Comments
1259
Super Admin

Habeenimadii Khamiista June 30, 2011, waxaa magaalada Boston ee wadanka Maraykanka kadhacay Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo iskugu jirtay labo qaybood oo run ahaantii aan kala dhicin. Xalfadaan oo ay soo diyaariyeen Ururka dhalinyarada somaliyeed ee magalada Boston oo marka magacooda lasoo gaabiyo looyaqan SALSI.INC ayaa waxaa kazoo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ay bulshadu kakooban tahay.

Munaasabadaan ayaa isku jirtay qalin jabin loo sameeyey in kabadan 50 arday somaliyeed oo ka qalin jabiyey dugsiyada sare iyo jaamacada iyo dabaal daga Maalinta xornimada somaliyeed ee 1-da luuliyo.

Qalin jabiska ay SALSI.INC qabteen ayaa waxaa uu qeyb kayahay munaasabadaha sandlaha ah ee ay qabtaan. Sanad walba waxaa qalin jabintaan kasoo qayb gala dhamaan dhalinyarada somaliyeed ee kunoo Gobalkaan Massachusetts ee casumadu u tahay Boston. Qalin jabiska ayaa ardayda somaliyeed lagu siiyaa shahaadoyin ay dhalinyarada SALSI u diyaariyeen taas oo ku dhiirinaysa kororsiga aqoonta isla markaasna community somaliyeed ay lasocoto wax barashadooda ayoo loo dareen siinayo inuu ardaygu wax ubaranayo dadkiisa iyo dalkiisa.

Tirakoob ay soo bandhigeen Dhalinyarada SALSI. INC ayaan waxay kusoo bandhigeen in Sanadkaan kaliya dugsiyada iyo Jamacadaha gobalkan MASS ee Boston ka qalin jabiyeen 50 arday somaliyeed ah oo iskugu jira gabdho iyo wiilal. Sanadkaan 2011, wiilasha ayaa ahaa 68% halka gabdhuhu ahaayeen 32% marka loo eego sanadkii tagay ee 2010 oo ay kala ahaayeen wiilasha 42% gandhana 58%. Arinkaan ayaa natusaya in sanadkii 2010 gabdhaha qalin jabiyey ay kabadnayeen wiilasha, sanadkaana ay wiilashu soo dadaalen kana bateen gabdhaha.

Sikastaba ahaatee waxaa guul inoo ah in manta ay dhalinta somaliyeed ay doorkooda muhiimka ah kaqaadanayaan dhisida Mustaqbalka Somaliyeed si looga gudbo 21kii sanno ee duliga iyo aqoon darada aan dhex fadhinay…

Dhanka kale, xalfadaan ayaa waxaa lagu xusay looguna dabaal dagay 51 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somalia qaatay xornimada buuxda ayna midoobeen gobalada waqooyiga iyo koonforta somaliyeed. Munaasabadaan oo muuqaalka dadku wada ahaa blue iyo white oo ah astaanta calan somaliyed ayaa waxaa lagu furay heesta calanka oo ay ku luqaynayen dhalinyarada SALSI ahaana kuwii soo qaban qaabiyey munaasabadaan.

Dadweynhii oo dhan ayaa wada istaagay ayadoo qof walba ay kamuuqtay wadaninimo qiirana ay qarisay wajigiisa. Mararka qaarkood waxaa la arkayey hooyoyin ay ilintu soo dhaafaty indhahooda una qiiraysan astaanta calanka ay dhalinyaradu sida wanaagsan ugu luqaynayeen.

Munaasabadaan oo loogu dabaal dagayey 1-da luuliyo ayaa waxaa goob jog ka ahaan martisharaf kasoo shaqeeyey dawladihii somaliya ay soo martay, joognay Mudadii ay Somalia qaadanaysud xurnimada June 26-july 1, 1960 ayaa waxaa looga sheekay taariikhda ay Somalia leedahay iyo dhulka qaniga ay leedahay.

Gaba-gabadii xalfadaan ayaa dhamaatay ayadoo xiiso loo qabo inay iska siisocoto, balse ku dhamaatay farxad, damaashaad iyo qiiro wadaninimo. Waxaana bulsha weynta soomaliyeed ku dhaqan Boston iyo nawaxigeeda aad ula dhaceen nidaamka caalamiga ahaa ee loosoo agaasimay xalfadaan labada dawr ee muhiimka ah xambaar sanayd.

Mahad dhamaanteed Allah ayaa iska leh, kadib..

Waxaa mahad balaaran iska leh dhaman xubnaha SALSI ee hawshaan sida lixaada leh uga qayb qaatay.

Thank you

Xagalle

Related Items


Leave a comment