Ciidamadda DKMG Ah Oo Dad Rayid Ah Laayey.

Sunday July 03, 2011 - 23:20:28
0 Comments
879
Super Admin
Ciidamo katirsan dowladda KMG ah, ayaa rasaaseeyey gaari ay lasocdeen dad rayid ah gudaha degmada Wadajir, iyadoona rasaasta ay ciidanku fu fureen gaariga ay geystay khasaare soo gaaray dad rayid ah.
Gaariga ay ciidanka dowladda rasaaseeyeen oo ah nooca miini-bus-ka oo ay saarnaayeen dad rayid ah ayaa lasheegay inuu si xowli ah ku dhaafay bar jidgooyo ay u taalay ciidanka dowladda xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir.

“Ciidanka dowladda ayaa rasaas kufuray markii gaarigu uu xowli ku dhaafay isbaarada” sidaa waxaa yiri qof goob jooge ah oo ku sugnaa goobta ay mashaqadu kadhacday.

Goob joogaha ayaa intaas ku daray in qof rayid ah oo kamid ahaa rakaabkii lasocday gaariga uu u geeriyooday waxyeelo kasoo gaartay rasaastii ay ciidanka dowladdu ku fureen gaariga, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka dowladda ee rasaaseeyey gaariga miini-bus-ka ah, ayaa hoostaga maamulka degmada Wadajir ee dowladda KMG ah, waxaana jidgooyo lacago baad ah lagu qaado ay u taalaa xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada dowladda KMG ah ayaa waxyeelo u geysta dad rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah, tiiyo aanay muuqan cid wax ka qabanaysa waxyeelada ay ciidanka dowladda u geysanayaan


Burtinletims Muqdisho Soomaalia

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment