R/Wasaaraha XFS Oo Sheegay In Hay'adda Duulista Rayidka ay ku jirto Kobaca Badan (DAAWO)

Thursday December 07, 2023 - 20:37:05
0 Comments
112
ahmed raajaa
MUQDISHO
R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaadyada caalamiga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya.

Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hey’adaha dhigeeda ah.

"Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda, maantana muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista  iyo Heya’adda Duulista Rayidka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaarsiyey darajada "A” oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.





















Related Items


Leave a comment