Xildhibaan Ka Tirsan Dowladda KMG Oo Is-casilay

Tuesday July 05, 2011 - 22:12:23
0 Comments
506
Super Admin
Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheeciyay innuu Is-casilay. Cali Maxamed ''Cali Mowliid'' ayaa sheegay innuu Is-casilay Markii Xukumadda KMG ah ee lagu dhisay Dalka Jabuuti aysan ilaa hadda wax qabad muuqda la imaan.
Xildhibaanka ayaa xusay in Xukumaddii Ra'iisul-wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed
''Farmaajo'' ay wax qabad muuqda la timid balse la hor sitaagay markii 2-dda Shariif ay heshiis ku soo gaareen Kampala.

Mudane Cali Maxamed ''Cali Mowliid'' ayaa dhaliilay Dalalka Caalamka isagoo tilmaamay innaysan doonayn Dowlad tayo leh oo ka dhalata Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee Xildhibaankaan haatan Is-casilay oo ka soo jeeda Degaanadda Somaliland ayaa noqonaya Xildhibaankii Xildhibaankii 10-aad oo Iska-Casilay Dowladda KMG ah.

Burtinletimes Muqdusho Soomaalia

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment