Valeria Amos Oo Booqatay Banadir Hospital

Sunday August 14, 2011 - 00:30:49
0 Comments
971
Super Admin
Ku-xigeen-ka Ergaygga Gaar-ka ah ee Qaramadda Midoobay Ban K-moon Haweenaydda lagu Magacaabo Valeria Amos ayaa Maanta gaartay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Valeria Amos ayaa Kullan la qaadatay Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ''Gaas'',waxaana ay booqatay Isbitaalka Madiina Hospital oo ay jiifaan Bukaano baddan.

Ra'iisul-wasaare Gaa iyo Valeria Amos ayaa ka wada Hadlay Xaaladda Bini-aadantinimo ee ka jirta Dalka Soomaaliya iyo siddii loo xoojin lahaa Xiriir-ka Dowladda Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay.

Valeria Amos iyo Wefdiga ay Hogaaminaysay ayaa isla Maanta dib uga dhoofay Garoon-ka Caalamiga ah ee Aaden Adde International Airport.

Madax iyo Mas'uuliyiinta Hay'addaha Caalamiga ah ayaa Mudooyinkaan ku qul-qulaya Magaaladda Muqdisho oo ay ku suganyihiin Dad baddan oo ay saamaysay Abaarta Soomaaliya.


Burtinletimes

Muqdisho soomaalia

Related Items


Leave a comment