Horyaalka Ingiriiska Oo Furmay & Tababaraha Manchester United Oo Ku Baaqay In La Gar gaaro Caruurta Soomaliyeed Ee Baahida U Dhimanaysa

Sunday August 14, 2011 - 00:36:44
0 Comments
1083
Super Admin
London. Tababaraha kooxda shayadiinta cas cas ee Manchester United ee la yiraahdo Sir Alex Farguson ayaa war bixin uu siiyay qaar ka mid ah saxaafada caalamka ku sheegay in wax laga naxo ay tahay xaaladda haysata caruurta Soomaaliyeed ee u dhamaanaysa baahida, taasoo uu tilmaamay tababaruhu mid bini'aadanimada ka baxsan hadaan la taakuleynin oo indhaha laga qabsado.
Sir Alex oo si qiiro ku jirto uga hadlay xaaladdan haysata caruurta Soomaliyeed ayaa mar uu is bar bar dhig sameeynayay waxa uu yiri, " 90 daqiiqo oo aan ciyaarno gudaheeda ayaa laga yaabaa inay baahi u dhintaan ku dhawaad 15 caruur ah ". Arrintaasna tarabaruhu waxa uu qiray inay tahay xaalad aad looga naxo.

Tababare Farguson waxa uu ugu dambeyntii caalamka iyo kooxaha kaleba ugu baaqay in gacan bini'aadanimo loo fidiyo caruurta Soomaaliyeed ee baahida iyo abaaraha diloodeen.

Dhinaca kale, waxaa galabta oo Sabti ah dib u furmay horyaalka dalka Ingiriiska ee sida weyn caalamka looga xiiseeyo, kaasoo muddo saddex bilood ah fasax dheer ku jiray.

Haddaba, qeyb ka mid ciyaarihii galabta dhacay ayaa waxay kooxaha isku arkeen sidatan: kooxda Liverpool oo marti gelisay kulankeedii ugu horreeyay kooxda Sunderland ayaa galabta natiijo aysan ku qancin kala hoyatay garoonkeeda, ka gadaal markii jilaafo loo dhigay 1-1, iyadoo weliba lagu bareejeeyay gool aad u qurux badan.

Blackburn Rovers ayaa gurigeeda waxa ku dubatay kooxda Wolves 1-2. Fulham iyo Aston Villa oo ciyaar adag dhex martay ayaa isku ag dhacay 0-0. Wigan iyo Norwich oo heerka Seria B-da ka Timid ayaa iyana 1-1 ku kala baxay. Kooxda Bolton ayaa waxay si xun dhulka ula dhacday kooxda Queens Park la yiraahdo ee xilli ciyaareedkan heerkan Seria A-da ku cusub ka dib markii lagu dhuftay 4-0.

Ugu Dambeyntii, Kooxda Arsenal oo xilli ciyaareedkan u muuqata mid ay ka huleeleen 2-dii xiddig ee ugu fiicneyd Cesc Fab iyo Samir Nasri ayaa kulankeeda ugu horreeya la ciyaartay dkooxda New Castle United. iyado la dhaafi weyday bar baro goola la'aan ah

Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax " Helos "
Malaysia


Burtinletimes@Gmail.com

Related Items


Leave a comment