Shabaab-ka Oo Maanta Soo Bandhigay Askari

Wednesday August 17, 2011 - 01:19:11
0 Comments
990
Super Admin
Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa Maanta Guudlo ka sheegtay Dagaalo ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Afhayeen-ka dhinaca Ciidan Al-Shabaab Sheikh C/casii Abuu Muscab oo Saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay innay guulo ka gaareen Dagaaladd Maanta dhacay ayna gubeen Taangi ay lahaayeen Ciidamadda AMISOM.

Abuu Muscab waxaa uu sheegay in Dagaalkii Maanta uu qeyb ka ahaa Is-badel ay ku sameeyeen Dagaaladda ay la gali jireen AMISOM iyo Dowladda KMG ah.

Dhinaca kale Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa sheegay innay Laayeen Askar baddan ayna gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah.

Majiro wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ku aadan Guulaha ay Shabaabku sheegteen iyo Dagaaladdii Maanta dhacay.

Hadaladda ka soo baxay Al-Shababa ayaa imaanaya xilli Maanta Dagaalo Xoogan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Waqooyiga Magaaladda Muqdisho.

Burtinletimes@mail.com

Related Items


Leave a comment