Shir Looga Hadlayo Abaaraha Oo Ka Furmay M/Roma

Friday August 19, 2011 - 03:13:59
0 Comments
526
Super Admin
Shir Looga Hadlayo Abaaraha Oo Ka Furmay M/Roma

Shir looga Hadlayo Abaarta ka jirta Geeska Africa gaar ahaana mida Soomaaliya ayaa ka furmay Magaaladda Roma ee Dalka Talyaaniga Xaruna u ah Ururka Qaramadda Midoobay Beeraha u qaabilsan ee (FAO).

Dowladda Soomaaliya ayaa Shirka waxaa uga qeyb galaya Wasiirka Beeraha iyo Xanaanadda Xoolaha Mudane Cabdulaahi Xaagi Xasan ''Maxamed Nuur'' iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nuur Xasan Husen ''Nuur Cadde''.

12.4Milyan Ruux oo ku kala nool Dalalka Somalia,Ethiopia,Jabuuti iyo Kenya ayaa waxaa saamaysay Abaarta ku dhufatay Geeska Africa.

Sidda Qaramadda Midoobay laga soo xigtay Kumanaan Ruux oo ka mid ah Dadkaasi ay Abaartu saamaysay ayaa u geeryooday Gaajo iy Haraad.

Xoghayaha Hormarinta Caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell oo Shir Jaraa'id ku qabaty Nairobi maruu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Muqdisho ayaa sheegay in 400,000 oo Caruur ahi ay qarka u saaranyihiin innay geeryoodaan.

burtinletimes@gmail.com



Related Items


Leave a comment