Shirka Gudiga Wadajirka Amniga oo markii u horeysay Muqdisho lagu qabtay

Monday August 22, 2011 - 20:42:14
0 Comments
1636
Super Admin
Muqdisho, Isniin, August 22, 2011----Waxaa maanta markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee Amniga dalka iyadoo ay shir guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Augustine Mahiga iyo kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Wafulu Wmanyinyi.

Shirkan oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wakiilada, ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, midowga Yurub waxaana goob joog ka ahaa wakiilo ka socday dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Fransiiska, Jarmalka, Norway, Denmark, iyo Sweden.

Kulanka ayaa intii uusan soo gabagaboobin ka hor waxaa warbaahinta faahfaahin siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay ee Soomaaliya Amb. Mahiga iyagoo sheegay in kulankani uu ahaa kulan taariikhi ah isla markaana markii ugu horeysay ay tahay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

Kulanka ayay sheegeen in looga arrinsaday arrimaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen inuu ku socdo weli si habsami iyo saaxiibtinimo leh.

Amb. Mahiga ayaa yiri “Kulankan wuxuu jawaab u yahay horumarka laga gaaray nabadda Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho oo laga saaray Al shabaab, waxaana kulankan midka xiga lagu qaban doonaa halkan 2 bilood kadib oo maanta ka bilaabaneysa” ayuu yiri Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay dib u dhis iyo tayeyn ku sameyn doonto hay’addaha nabadgelyada sida ciidamada Booliska iyo saldhigyada.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli ayaa xusay in kulankani uu yahay midkii sagaalaad oo uu guddiga wada jirka ah ee Amnigu yeesho balse siddeedii kulan ee hore ay ka dhaceen dalka dibadiisa “Dowladda Federaalka shirkani muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay maadaama markii ugu horeysay lagu qabtay dalka Soomaaliya waxaana rajeyneynaa in kulamada dambe ay si rasmi ah uga dhacaan dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada.

Guddigani wadajirka ee Amniga ayaa waxaa lagu aasaasay dalka Jabuuti sanaddii 2008 kadib heshiiskii ka dhacay dalkaasi Jabuuti iyadoo ujeedadiisuna ay aheyd in beesha caalamku ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa hay’addaha Amniga si dib loogu soo celiyo Amnigii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya.



Related Items


Leave a comment