Dagaal Maantay ka Dhacay Galkacyo Kaas oo KHasaro gaystay;

Thursday September 01, 2011 - 14:11:02
0 Comments
892
Super Admin
Magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay shaqaaqo khasaare nafeed gaysatay.

Suuqa weyn ee bartamaha Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacday israsaasayn khasaare Nafeed dhalisay oo u dhaxay Ciidamada booliska puntland iyo Kooxo hubaysan.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhintay dad kale oo farabadana dhaawac ayaa ka soo gaaray israsaasayntaasi waxaana dadka dhaawaca ah la sheegay in uu ku jiro taliye ku xigeenka qaybata Booliska gobola Mudug G/dhexe maxamed jaamac Maxamuud (Beer geel).

Israsasaynta Ciidamada Booliska Gobolka Mudug iyo Kooxahani dablayda ahi ayaa timid kadib markii Ciidamada boolisku ay isu dayeen in ay suuqa weyn ee magaalada Hawgal ay a sameeyaan islamarkaana ay gacanta ku soo dhigaan nin looga shakiyay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa Studio diini ah oo ku yaala bartamaha Suuqa.

Rasaasta noocyadeeda kala duwan ayaa xilliga la isku adeegsanayaa waxaana sii xoogaysanaya dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dawlada iyo Maleeshiyaadkan hubaysan.

Dadka dhintay ayaa la tilmaamayaa in ay ku jiraan 2 qof oo rayid ah oo goobta marayay islamarkaana ay haleeshay rasaas habaw ah iyo askari ka tirsan Ciidamada waxaana dhanka kale la tilmaamayaa in dadka dhaawaca ahi ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidamada.

Guud ahaan isu socodka suuqa weyn ee magaalada ayaa xiran waxaana xaafadaha magaalada si weyn looga maqlayaa daryanka rasaasta waaweyn ee labada dhinac ay iswaydaarsanayaan.

Xigasho Gurmad

Related Items


Leave a comment