Sawiro: Muqdisho; Hawlagal Ciidanka Police ay ka wadaan;

Thursday September 01, 2011 - 16:42:59
0 Comments
869
Super Admin
Ciidamo gaar ah oo dhowaan Dowladda u xilsaartay sugida Amaanka Muqdisho ayaa maalintii labaad howl galo ballaaran ka wada Magaalada Muqdisho, xilli shalay howl galadii ay sameeyeen ku soo qab qabteen Hub, rasaas, qoryo gacmeed iyo waxyaabaha qarxa.

Howl galadan ayaa xoogooda waxay ka socdaan Xaafadaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Boolis, Milateri iyo Nabadsugid.

Saaka ayaa howl galada waxaa lagu qab qabtay dad fara badan oo qaarkood lala xiriirnayo falalka amaan darida, sidoo kale waxaa ku jira Ciidamo ka tirsan Dowladda oo hub iyo rasaas iyagoo iibinayay lagu soo qabtay.

Taliska Booliska ayaa shalay Xarunta 888 ku soo bandhigay Hub iyo waxyaabaha qarxa, iyagoo qaarkood ku tilmaamay in la iibsanayay, halka qaarkoodna lagu fulinayay falal ammaan daro.

Jeneraal Shariif Sheekhun Maye Taliyaha Booliska Soomaaliyed ayaa sheegay in howl galka uu sii soconayo ilaa Muqdisho ay dib ugu laabato 20-sano ka hor sidey aheyd.

Howl galada ayaa u muuqda mid aan kala go' laheyn kadib markii dhowaan Wasaarada Arrimaha Gudaha ku dhawaaqday in Ammaanka la xoojinayo, lana dagaalami doono Ciidamada dharka sita.

Howl galadan ayaa noqonaya kuwii ugu sareeyay ee soo mara Muqdisho, isla markaana si xiriir ah u socda, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Gudiga Amniga qaranka ay qorshayaal xaga ammaanka u dajiyeen Caasimada Muqdisho.

buurtinletimes@gmail.com

Ilkadhagax@hotmail.com



Related Items


Leave a comment