War deg deg ahTaliyihii Ciidanka Daraawiishta Mudug & Ceyn oo la dilay

Saturday September 03, 2011 - 13:33:30
0 Comments
815
Super Admin
Waxaa goor dhoweyd magaalada Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii ciidanka Daraawiishta ee gobolada Mudug & Ceyn G/sare Maxamed Muuse Ilka-dheere.

Taliyihii ciidanka Daraawiishta Mudug iyo Ceyn ayaa waxaa lagu dilay xerada Dayax ee magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale waxyeelo soo gaartay laba ka mid ah ilaaladiisa oo markaasi la socotay.

Dilka G/sare Maxamed Muuse Ilkadheere ayaa la sheegay in uu dhacay xilli uu doonayay in uu kala qaado ciidamo is hor fadhiya islamarkaana wuxuu ka shaqeynayay xabad joojin dhinacyada laga dhex hirgeliyo sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Wixii war ah oo ka soo Kordha kala soco

Burtinletimes.com

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment