Muqdisho; Wajigii labaad ee shirka wada tashiga oo saaka Garoonka diyaaradaha lagu qabanayo

Monday September 05, 2011 - 12:24:38
0 Comments
928
Super Admin
Iyadoo shalay uu si rasmi ah u furmay shirkii wada tashiga aayaha Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa in wajigii labaad uu furmo, iyadoo kulanka saaka uu ka duwan yahay kii shalay ee furitaanka ahaa, waxaana la guda geli doonaa dooda ajandayaasha.

Sida ay sheegayaan wararka kulanka saaka ayaa ka dhici doona Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkii shalay uu ka furmay Xarunta Golaha shacabka.

Wararka ayaa sheegaya inay ka soo qeyb geli doonaan wafuud gaar ah oo aan aheyn wafuudii shalay ka qeyb gashay shirka, waxaana saxaafada ay maanta ka noqon doontaa kulanka dibad joog.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maalintii shalay sheegay in shirka maanta lagu qabanayo Garoonka diyaaradaha, isagoo ergada ka codsaday inay waqtiga dhowraan.

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee kulanka saaka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii dib u habeyn ama loo yareyn lahaa tirada Baarlamaanka, taasoo shalay ay si qoto dheer ay Madaxda Dowladda isugu lafa gureen.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saari doonaa sida looga bixi karo marxalada kala guurka mudada sanadkan, xilligaas oo la rabay in la dhaqan geliyo qorshe howleedka ku aadan diyaarinta dastuur uu yeesho dalka iyo Dowlad wanaagsan.

Qaramada Midoobey iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shirka kormeeraya, iyadoo maalinta berri oo ah maalinta u dambeysa laga soo saari doono war murtiyeed ku aadan waxyaabaha looga hadlay shirka.

Si kastaba ha ahaatee shirkan wada tashiga ayaa ah mid il gaar ah lagu haayo, natiijada ka soo baxda ay tahay mid la horgeeynayo Golaha Ammaanka.

Burtinletimes.com

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho jowhar

Related Items


Leave a comment