R/wasaare Gaas oo u anbabaxay wadanka Maraykanka

Monday September 12, 2011 - 17:40:16
0 Comments
812
Super Admin
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka si ay uga qaybgalaan shi-iweynaha sannadlaha ah ee Qarammada Midoobay.

Mudane C/weli Maxmaed Cali ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirro ka tirsan dowaldda, waxaana uu noqonayaa safarakii ugu horreeyay oo uu dalka Mareykanka ku tago tan iyo markii loo magacaabay xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa horay u sii sagootiyay xubno uu ka mid yahay afhayeenka xukuumadda Inj. C/raxmaan Yariisow, iyadoo lagu wado wafdiga inay dib ugu soo laabtaan marka uu shirku dhammaado Muqdisho.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo shaqeynaysa halka sano ee soo socda ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo la doonayo inay ku dhameyso muddada halka sano ah oo ay xilka hayso.

Ra'iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulanka ka jeediyo xaaladda dalku uu marayo gaar ahaan abaaraha iyo macluusha ka taagan gobollada dalka qaarkood si kaalmo ay u helaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Shir-weynahan ayaa waxaa la qabtaa sannad walba dabayaaqada bisha September iyadoo sannadkii hore uu ka qaybgalay ra'iisul wasaarihii xilka laga qaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dib ugu laabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Buurtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment