Tacsi :INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Thursday September 15, 2011 - 15:32:18
0 Comments
1354
Super Admin
Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiska, waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan Danjire Maxamed Axmed Caalim iyo Drs.Fadumo Axmed Caalim oo hooyadood ku geeriyootey laguna aasey magaalada Toronto dalka Canada ALLAHA u naxariistee Marxuumada Xaawo Jabriil.

Marxuumada ayaa aheyd qof taariikh wanaagsan ku leheyd halgankii leegada ee gobanimo doonka dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaga suugaanta wadaniyada.

Waxaan qoyskii, ehelkii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ay ka geeriyootey marxuumada Xaawo Jabril (AUN) in samir iyo iimaan ka siiyo, anagana oo dhan naga siiyo, marxuumadana waxaan Allah uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo aamiin, aamiin, aamiin.

Waxaa tacsida diraya dhamaan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee degan dalkaan, sida Odayaasha isboortiga, ciyaartooydii hore wiilal iyo gabdho, kuwii dhaxe, kuwii dambe,taageerayaasha isboortiga, garsoorayaasha, macalimiinta, maamulayaasha, taqaatiirtii isboortiga, saxaafada isboortiga iyo dhamaan dadka jecel isboortiga.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Waxaan halkaan sidoo kale tacsi ugu direynaa Dr.Carabeey oo xaaskiisa marxuumada Safiyo Cabdulle ALLAHA u naxariistee ku geeriyootey magaalada Toronto.

Qoyskii,Eheladii, qaraabadii iyo asxaabta oo dhan Allah samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumadana Janadii fardoowsa Allaha ka waraabiyo aamiin,aamiin,aamiin

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

London

Related Items


Leave a comment