Saraakiisha Ciidamada ee Dowlada KMG Ah oo Isku Shaandheyn Lagu Sameyay .

Thursday September 15, 2011 - 16:30:28
0 Comments
1379
Super Admin
Wareegto kasoo baxday Taliska ciidamada booliska ee dowladda KMG ayaa Lagu sheegay in isku shaandheyn lagu sameyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ee dowlada KMG Ah ee soomaaliya .

Xubnaha maanta isku shaandheynta lagu sameyay ayaa waxaa ka mid ah Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise oo horay u ahaa Taliyaha ciidamada booliska qeybta Waliyoow cade iyo Afhayenka Ciidamada Booliska ee dowlada KMG Ah ee soomaaliya waxaana lagu badalay oo loo magacaabay taliyaha Qaybta Waliyo Cade Axmed Cali Afduje oo isna horay u haayay xilka taliyaha Booliska ee Garoonka Diyaradaha aadan Cadde .


C/laahi Xasan Bariise oo ahaa taliyaha Booliska ee Qaybta Waliyo Cadde oo ka halay munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa uu sheegay in xilka uu ka warejiyay Axmed Cali Aftooje isla markaana loo magacabay Taliyaha Dambi Baarista ee CID da .


Taliyaha Cusub ee Qybta Waliyow Cadde oo isna ka hadlay munaasabada ayaa soo dhaweyay xilka cusub ee loo magacabay waxaana gaba gabadi xaflada soo xiray Taliyaha Ciidmada Booliska ee G/Banaadir Axmed Xasan Maalin oo kula Dardaarmay Taliayasha isku shaandheynta lagu sameyay in qofwalba uu waajibaadkiisa gutaa .

Related Items


Leave a comment