Crispos Kiyonga oo Maanta Muqdisho Booqasho ku soo gaaray

Monday September 19, 2011 - 22:55:29
0 Comments
1020
Super Admin
Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Uganda Crispos Kiyonga iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow oo maanta ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyadoo lagu soo dhaweeyay Garoonka

Mas'uuliyiin uu ku jiro wasiirka Gaashaandhiga Dowlada KMG ah Xuseen Carab Ciise ayaa garoonka kaga hortagay wasiirka gaashaandhiga Uganda iyagoo si weyn u soo dhaweeyay ka hor intii aan loo gudbin dhanka madaxtooyada.

Wafdigaani heerka wasiir ah ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda madaxtooyada kula shiraan madax ka tirsan Dowlada KMG ah iyadoo markaa kadib la filayo inay saxaafada u sharaxaan ujeedka socdaalka wasiirkaani Muqdisho ku soo gaaray.

Wararka ku soo kordha imaanshiyaha wasiirada Dowlada Uganda ee uu hogaaminayo wasiirkooda difaaca wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan Inshaa Allaah.

buurtinletimes@gmail.com


Related Items


Leave a comment