Nabadda ee Hirda Peace Tournament oo soo gaba gaboobay–

Thursday September 22, 2011 - 03:09:22
0 Comments
584
Super Admin
Koob ay ku tartamayaan kooxo ka dhisan gobolka Mudug oo loogu magac > daray koobka nabadda ee Hirda ayaa ku soo gaba gaboobay Garoonka > kubada cagta ee Cawaale Stadium.
Koobkani ayaa waxaa soo agaasimay
> Ururka Hirdaee ka dhisan wadanka Hollandkana shaqeeya arimaha bulshada, waxaana Gobolka ka
> hirgeliyay Naadiga Cayaaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Koobkani
> waxaa uu si toos ah u bilowday 17-kii bishan September wuxuuna soo
> gaba gaboobay 21-kii oo ku beegnayd maalintii shalay oo ahayd
> maalintii nabadda adduunka. Intiii uu koobkani socday waxaa cayaari ay
> wada dhexmartay dhamaan kooxihii ka qeybgalay oo kala ahaa Nabadda FC,
> Roogga FC, Siinaay FC iyo Sunni FC. Cayaartii ugu horeysay waxaa is
> arkay Nabadda FC iyo Siinaay FC, waxaana 2-1 ay guushu ku raacday
> naadiga Siinaay FC. Cayaartii labaad ayaa dhexmartay Sunni FC iyo
> Roogga FC, waxayna halkaasi guusha ku raacday Sunni FC oo ku badisay
> 3-1. Cayaartii kama dambeysta ee Final-ka waxaa isugu soo haray Sunni
> FC iyo Siinaay FC, waxaana 1-0 ku badiyay Naadiga Siinaay FC.
> Cayaartaas Final-ka ahayd ayaa ahayd mid aad iyo aad u adkayd, waxaana
> u soo daawasho tagay dadweyne aad u farabadan oo xiiseynayay in ay
> arkaan guusha ay kala qaadanayaan labada naadi. Gabagabadii cayaarta
> waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudug Cabdi Hodan Cali
> Dayaxleef oo aad u soo dhoweeyay cayaartii Final-ka ee dhexmartay
> labada naadi, wuxuuna u mahad celiyay naadiyada cayaarayay oo uu
> sheegay in ay soo bandhigeen cayaar wanaag asluubeysan oo laga
> sugayay. Wuxuuna u mahad celiyay Ururka Hirda ee barnaamijkani soo
> agaasimay. C/qani Carabay oo ahaa Wakiilka Hirda ee tartankani ayaa ka
> mahad celiyay sida wanaagsan ee uu usoo socday una soo gaba gaboobay
> tartankan oo loogu talo galay maalinta nabadda adduunka, wuxuuna
> sheegay in barnaamijyada noocani oo kale ah ay sii wadi doonaan.hirda
>
> waxaa diyaariyay cawil mohamud
>
>
>
> --
> *Wabilaahi Towfiq
> *
> *Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
>
> Tel: +25290621638
>
> Galkayo Somalia *

Related Items


Leave a comment