Dawladda Soomaaliyeed Ayaa ku dhawaaqday gudi farsamo iyo qashahoodda ;

Friday September 23, 2011 - 09:21:55
0 Comments
810
Super Admin
Guddi farsamo oo ay dawladda Soomaaliyeed u saartay fududaynta Hawllaha mudadda halka sano ee ay dawladu wajihi doonto ayaa ka hadlay wax yaabaha ay qaban doonaan iyo kuwa u qabsoomay .

Guddoomiyaha guddiga farsamo ah wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane C/llaahi Goodax barre ayaa sheegay in guddiga uu wado dadaal ballaaran si ay uga soo dhallaalan shaqada loo xilsaaray isaga oo intaas raaciyey in uu

ku kalsoon yahay in lagu guullaysan doono arrimahaasi oo ay dar dar galin doonaan .

Mudane C/llaahi barre goodax ayaa ku nuux nuuxsaday in guddiga uu u bahan yahay hello dhammaan waxyaabaha fududeen

kara farsamada uu guddiga ku hawllan yahay , waxa uu intaas raaciyey in hawllaha farsamada ay yihiin kuwa aad u badan hase yeeshee ay ku daddaali doonaan sidii loo dhamayn lahaa arrimahaas.

Guddoomiyaha guddiga farsamo ee dawladda Soomaaliyeed ayaa farta ku fiiqay in lagama maarmaan ay tahay

in la iska kaashado hawsha uu guddiga uu fara kula jiro si loo arko maraha ka soo baxa .

Ugu danbeentii ayuu yiri in uu guddiga soo gudbin doono war bixino ku aadan waxyaabihi ka qabsoomay heshiiskii ay dawlada

dalka u kala saxiideen dalka Ugandha iyo shirkii wada tashiga ee Muqdisho ka dhacay .

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment