Dad Barakacayaal ah Oo ka Soo Hayaamay Abaaraha Baahsan Ee Ka Jira Konfurta somaaliya Ayaa Ku Soo Badanaya Gaalkacyo 28/9/2011

Wednesday September 28, 2011 - 16:20:52
0 Comments
818
Super Admin
Barakacayaal aad u fara Badan ayaa soo Gaaraya Magaalada gaalkacyo Ee Wadanka soomaaliya Dadkaan ayaa Waxay ka soo hayaameen Gobolada Baay ,Bakool ,Shabeelooyinka Iyo Gobolada Dhexe ee soomaaliya Waxeeyna uga soo carareen Dhibaatooyin isugu jira Abaaro baahsan Biyo la,aan iyo Caafimaad xumo kusoo Wajahday deegaanadoodii ay deganaayeen waxaayna Maciin soo Bideen Xarunta Gobolka mudug ee Gaalkacyo .

Dadkaan barakacayaasha ah ayaan Aqoon Halka ay u socdaan iyo Cida ay ku socdaan sabata keentay Gaalkacyo Hadii Aad waydiisana Waxay ku sheegayaan In Xoolihii Ay Ka Dhamaadeen Baahina ay keentay Gaalkacyo,Dadkaan ayaa Waxay isugu Jiraan Qaybaha Ay ka Kooban Yihiin Bulshada Sida Waayeel, Caruur,Haween,iyo Rag

Xiligaana Magaalada Gaalkacyo Cimiladeeda Weey Kulu shahay Mana haystaan Qaarkood hoy ay Galaan Sidaa Daraadeed Waxaay Dadkaasi danta Ku kaliftay in ay Gaaf Wareegayaan Koobaha Ganacsiga ,suuqyada, Masaajidyada & ilaha Muhiimka ah Sida Xarumaha Dowlada Puntland IWM.

Dadkaan ayaa Qaarkood Waxaa Ay ka Qaybqaataan Sida ay ku Ee Deeysay Dowlada Puntand Waxaa jira Dad laqab qabtay Ayagoo ku jira Faldembiyedyo Kala gedisan Sida Dilalka Qorsheeysan Oo In Tabadan Lagu Khaarajiyo Madaxda Dowlada iyo Dadka Magaca Kuleh Puntlnd Taasi saameyn kuma yeelan Dadkaasi, inta kadib waxaa jirta in Ay abaarta Wada Saameeysay Dalka Oo Dhan Haba Ku kala Darnaatee ,Gobolka Mudugna Waxaa soomaray biyo La,aan Baahsan Taas oo laga Dareemay Galkacyo.

Mar aan Booqanay Kaamka Barakacayaasha Buulo Bacleey Ayaan Waxaan Kula Kulanay Gudoomiyaha Kaamkaas Cali Muxumad Ibraahim (Cali Biyoole) Waxaa uu Inoo Sheegay Iin xaalada Amaanka Kaamka Ay aad u wanaagsan tahay laakiin ay Dhibaatada ugu daran ee soo Food saartay ay tahay Biyaha oo aad ugu liito Kaamka Iyo Dhinaca Adeega Caafimaadka oo aan Wanaagsaneeyn Marka Laga Reebo Dad Si iskood ah u Furtay Goobo cafimaad Iyo Hay'adihii Oo Kaalin toodii aan Kasoo Bixin.

Ma,ahan Markii ugu Horeeysay Oo ay Dad Barakacayaal ah oo Ceynkaan oo kale ah ay soo Gaaraan Deegaanada Puntlad Laga Soo Bilaabo Markii Dhidibada Loo Taagay Dowlada Puntland Sanadka Marku ahaa 1998-Waxaa Deegaanada Puntland ku soo Qulqulaayay Dad Farabadan oo Soomaali ah Kuwaasi Oo Doonaayay Meel Amaan ah Oo Ay Kaga Nabad Galaan Bililiqadii, Boobkii Baahsanaa & Barakicintii ee Ka Jiray Konfunta Soomaaliya.

Axmedkhadar max'ed Cumar

Galkacyo

samakaab61@hotmail.com

Related Items


Leave a comment