Banaan bax balaaran oo ka dhacay wadanka Nederland kaas oo ahaa mid looga cabanayey Sharci-la-aanta;

Wednesday September 28, 2011 - 16:33:53
1 Comments
1279
Super Admin
Waxaa maanta oo Talaado ah, magaalada The Hague ee xarunta Siyaasada ee Boqortooyada Holland lagu qabtay banaanbax balaaran oo isugu yimaadeen Soomaalida iyo dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalkaani. Banaanbaxan ayaa ah mid ku aadan cabasho ay dadka Qaxootiga ah gaar ahaan Soomaalida ay ka dhiibanayaan dhanka qaabilaada dalka Holland ay qaabisho dadka Qaxootiga ah oo sanadihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyey. Qodobada ay dadka banaanbaxa soo qaban qaabiyey ka cabanayaan ayaa waxaa kamid ah, in dadka Qaxootiga ah ee aan heysan dal ay ku noqdaan aan la siin wax sharci ah, halka kuwo kumanaan gaaraya ay xeryaha qaxootiga ku jiraan muddo sanado ah ayagoo aan heysan wax jawaab ah ama sharci ah oo ay ka helaan dowlada dalka Holland.

Sidoo kale waxaa ayaguna jira dad badan oo ay ku jiraan Soomaali boqolaal gaaraya oo ay hay’ada socdaalka ee dalkaasi Holland ee IND u diiday inay siiso sharciga qaxootinimo oo ay dalkaasi ku joogi karaan.

Arrintaasi ayaa iridaha u furtay in boqolaal Soomaali ah oo ay ku jiraan dhalinyaro badan laga soo tuuro xeryaha isla markaana loo soo sheego inay dalka isaga baxaan. Dadkan ayaa ku dhexnool dalka Holland ayagoo aan dhana u dhaqaaqi karin, isla markaana aysan jirin wadan kale oo kamid ah Yurub oo ogol in dadkan sharciga loo diiday ay qaabilaan.

Waxaa sidoo kale cabasho xoogan ka taagan tahay nolosha xeryaha dadka Qaxootiga siiba dhanka dhalinyarada aan weli sharciga la siin oo muddo sanado ah xeryaha isaga jira ayagoo aan loo ogoleyn in ay School galaan ama wax bartaan hadii waalidkood loo diido sharciga.

Arrimahan iyo kuwo kale oo badan ayey boqolaal Soomaali iyo Qaxooti kale oo wadamo kale ka yimid ka cabanayeen ayagoo isugu soo baxay fagaaraha bartamaha magaalada The Hague ee loo yaqaan Spui, halkaasi oo ka ag dhaw xarunta Baarlamaanka ee dalkaasi Holland laga maamulo.

Waxaa sidoo kale mudaharaadkan kasoo qeyb galay hay’adaha u dooda Qaxootiga, Qaar kamid ah lawyarada u dooda Soomaalida iyo waliba dad kale oo shacab ah oo u dhashay dalka Holland, kuwaasi oo si weyn u diiday ama uga soo horjeeda habdhaqanka xukuumada dalka Holland hada ka talisa ee ku aadan dadka Soogalootiga ah iyo dadka Qaxootinimada u yimaada wadankan.

Waxaa sidoo kale qoraalo cabasho ah loo gudbiyey Baarlamaanka dalka Holland iyo xisbiyada wadankaasi ayadoo laga codsaday in dowlada Holland il naxariisleh ku eegto dadka Qaxootiga ah ee wadamadooda dagaalada iyo gaajada ka jirto, isla markaana loo fasaxo dadka sanadaha badan wadanka Holland joogay inay mustaqbal ka sameystaan oo loo ogolaado degenaansho.

Khaalid yaasin Den haag

Related Items

Comments


Leave a comment