Ururka Badbaadada Isboortiga Soomaaliya oo Koobka Nabadda ku qabtey magaalada Muqdisho–

Saturday October 01, 2011 - 09:25:39
0 Comments
803
Super Admin
Waxaa labadii todobaad ee la soo dhaafey magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ka socdey koob loogu magac darey koobka Nabadda, koobkaas oo ay ku tartamayeen da’yar Soomaaliyeed oo da’doodu ka yar tahey 13 sano jir ayaa waxaa koobkaad soo qaban qaabiyay oo dhigey ururka badbaadada isboortiga Soomaaliyeed oo ka howl gala magaalada Muqdisho.

Ururka Badbaadada isboortiga Soomaaliya ayaa waxaa ku mideysanciyaartooydii hore kooxahadalka ka jiri jirey oo dhan iyo dadkii ka soo shaqeyn jirey wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyo isboorti kale duwan ka wada gudaha dalka Soomaaliya, si ay u soo celiyaan islamarkaana nafta ugu soo celiyaan isboortigii Soomaaliyeed ee sanadihii ugu dambeeyay gacanta ugu jirey kooxo isbaaro ku qabsadey wixii umadda dhan ka dhaxeeyay oo dhan, kana dhigey isboortigii Qaranka oo dhan inay iyaga gaar u leeyihiin si ay ugu shaqeystaan si shaqsiyan ah.

16-ka kooxood ee ka qayb galeyay koobkaan ayaa soo bandhigey ciyaar wanaag iyo wax ka duwan oo lagu qabto magaalada Muqdisho madaama koobka ciyaartooyda dheelaysay ay wada ahaayeenda’dooda 13 sano jir iyo ka yar, taasoo aan oran karo tilaabo lagu soo nooleeynaayo mooralka caruurta Soomaaliyeed ee u baahan in loo helo wado kale oo looga badbaadiyo dhibaatada iyo dagaalada ka socdo dalka Soomaaliya oo noqotey mid loo adeegsado caruurtaas dagaalada ujeedo badanka ah.

Ururka badbaadada isboortiga Soomaaliyeed oo uu gudoomiyaha u yahey rug cadaa ciyaaryahan qaranka dalka Soomaaliya kubadda cagta ka soo dheeli jirey mudane Gudoomiye Cabdalla Omar‘’Abdalla Quuq’’ iyo saaxiibadiisa ayaa dhexda u xirtey in koobkaan loo qabto caruurta Soomaaliyeed.

Waxaa garoonka intii ay ciyaaraha socdeen ka soo dhexmuuqan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya oo dhan iyo madaxdii isboortiga ka soo shaqeyn jirtey, xiritaankii tartanka waxaa goob joog ka ahaaXildhibaan Moowliid Macaani Maxamuud, Gudoomiyihii hore ee GOS rug cadaa isboorti mudane Cabdulqaadir Gacal Abkoow, Garsoore caalami mudane Xaaji Yusuf , wakiilka ururka HIRDA magaalada Muqdisho mudane Cabdi Daahir iyo ciyaartooy farabadan oo aanan halkaan ku soo koobi karin magacyadooda, kuwaasoo aad ugu faraxsanaa inay Muqdisho ku qabtaan cayaraaha koobka Nabadda, halkaas oo abaalmarinadii lagu gudoonsiiyay kooxihii ku guuleystey koobka.

Xafiiska Ururka Badbaadada Isboortiga Soomaaliyeed ayaa ah xafiiska kaliya ee isboorti ee ka howl gala magaalada Muqdisho, waxaana xafiiskaan inuu furmo islamarkaana gacan weyn siiyay dad badan oo isboortiga Soomaaliya qaabka lagu wado ka xumaadey iyo sida dadkii isboortiga cimrigooda ku soo jirey looga marti yeelay diiday, sida Wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada mudane Sheikh Muqtaar Shuute mahadii ha ka gaartee intuu shaqada ka wadey magaalada Muqdisho ku guuleystey in xafiiskaan furo islamarkaana garab istaag ka helo sida wasiirkii isboortiga mudane Wasiir Cabdi Nuur ee xukumadii dowladii hore Raisal Wasaare Farmaajo.

Dadka Isboortiga Soomaaliyeed taariikhdiisa yaqaan ayaa qaba in loo istaago sidii isboortiga Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaaa dalka oo dhan islamarkaana uu unoqon lahaa mid taladeedana ay leeyihiin dhamaan dadka Soomaaliyeed ee jecel isboortiga.

Xafiiska Badbaadada isboortiga Soomaaliya oo kaashanaya dowlada iyo badweynta isboortiga dalka Soomaaliya meel kasto ay joogaan ayaa wada qaban qaabo uu ku soo celinaayo kooxihii hore ee magaca weyn ku lahaa dalka Soomaaliya iyo caalamka, islamarkaana doonaya inay qabtaan tartamo kale duwan sida degmooyinka, dugsiyada iyo cayaaraha gobalada iyadoo kaashanaya wasaarada isboortiga iyo maamul gobaleedyada dhisan ee ka jira meelaha nabadda ah si loo soo celiyo isku xirnaanshihii bulshada Soomaaliyeed qaasatan dhalinyarada .

Koobka Nabadda oo lagu soo qabtey magaalada Muqdisho oo aan idin kaga soo qaadney sawiro taariikhi ah halkaan ayaad ka daalacan kartaa iyadoo Video ahna waxaad ka daawan doontaan meelo badan insha Allah, tartankaan oo loogu magac darey koobka Nabadda ayaa waxaa risboonsar gareeyay hay’adda HIRDA oo gacan siisa waxbarashada iyo isboortiga dalka iyo dibaddaba, si isboortigu u noqdo aalad dadka oo dhan isku soo xira oo ay ka dugsadaan waxyaabaha xun xun oo dhan.

Koobkaan ayaa ku soo dhamaadey si guul ah islamarkaana dadkii gacanta ka geystey iyo intii ka qayb gasheyba ay aad ugu faraxsan yihiin gaar ahaan caruurta Soomaaliyeed

W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Related Items


Leave a comment