Gaalakcyo Degan iyo Dad kii Bara kacayaasha ahaa Oo DIb Ugu Soo Laabanaaya

Sunday October 02, 2011 - 04:33:16
0 Comments
871
Super Admin
Dagaalkii Ka Bilaawday Bisha Sptembar Horaanteedii Ka Gaalkacyo Ayaa Waxaa Ay Galaafteen Dad iyo Duunyo Farabadan Dagaalkaas Ayaa Lagu Waayay Hantida Qaybaheeda Kala Gedisan ,Waxaa Jiratay in uu Xirmay Isku Socodka Dadka Iyo Ganacsiga Muddo Fara Badan Taana Waxaa Ay Keentay In Dadkii Ku Dhaqnaa Magaalada Gaalkacyo Ay Badan Kood Isaga Cararaan Gaalkacyo .

Dadkii Isaga hayaamay Gaalkacyo Ayaa Badankood Gaaray Magaalooyin Ay ka Mid Yihiin Bacadweey,Xarfo,Buurtinle Iyo Meelo Kale,Deegaanadaas ay Tageen Dadkaas Ayaa Waxaa Ay Kala Kulmeen Sida Ay Sheegayaan Soo Dhaween Fara Badan Iyadoo Xiliga Roobkii uu Ka Bilaawday Deegaanadaas Kana Qawow Gaalkacyo.

Imika Ayaa Waxaa Magaalada Kabilaabatay Isku Socod Aan Saas u Wanaagsaneeyn Dhinaca Ganacsiga Waxaa La Furay Goobo Aan Badneeyn,Waloow Hada Colaaad Aysan Jirin Hadana Kala Shaki Laga Dareemayo Magaalada Gaalkacyo .

Shir Ay Isugu Yimaadeen Isimo, Waxgarad,Culimaa'udiin Ka Kala Yimid Meelo Fara Badan Oo Ka Mida Wadanka Soomaaliya Ayaa Waxaa U Suura Gashay In Ay Dhexdhexaadiyaan Dhinacyadii Ku Dagaalamay Xaafada Gasoor Ee Magaalada Gaalkacyo Taas Ayaana Waxaa Ay Sahashay In Dadweeynihii Cabsida Ka Qabay In Mar Labaad Dagaal Ka Dhaco gaalkacyo,Arintaas Ayey Ku Farxeen Soona Dhaweeyeen Dadkii barakacay magaalada Galkacyo Dibna Ugu Soo Laabteen Guryahoodi.`

Sikastaba Ha,ahaatee Shirkaas Ayaa Waxaa Loo Fadhiyay Mudo Ku Siman 30-maalmood Siloo Xaliyo Colaada Soo Kala Dhax Gashay Dowlada Puntland & Beesha Leelkase Oo kamida Beelaha Reer Puntlaand, Waxaana Loo balansan yahay In shirkaan Wajigiisa Labaad lagu Qaban Doono Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Axmedkhadar Max'ed Cumar

Burtinletimes.com

Gaalkacyo, Somaaliya

Samakaab61@hotmail.com

Related Items


Leave a comment