Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaaliya Iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Ayaa Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Monday October 03, 2011 - 13:35:55
0 Comments
924
Super Admin
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaaliya Iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Ayaa Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaliyeed Ayaa Soo Gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Waxaa lagu wadaa inay kulamo ku saabsan Amaanka Dalka Soomaaliya ay la qaataan Maamulka Gal-mudug Iyo Sidii Ay Isku kaashan Lahaayeen.

Wafdigaani oo uu hogaaminayay Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaasim Sheekh Cali Diini oo shalay galinkii dambe soo Gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Gal-mudug.

Waryayaal Kusugan Konfurta Gaalkacyo ee Maamulka Gal-mudug ayaa Buertinletimes.com u Xaqiijiyay in labada dhinac ay kawada hadli Doonaan Sida Lasaadaalinaayo amaanka deegaanada uu ka taliyo Gal-mudug oo maalmihii u dambeeyay amaan xumi Laga Dareemaayay iyo Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Guud Ahaan Dalka .

Taliyaha ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, Ayaa sidoo kale wararka waxa ay Sheegayaan inay kala hadli doonaan Maamulka Gal-mudug sidii ay isaga kaashan lahaayeen ladagaalanka Xarakada MuJaahidiinta Al Shabaab Si Ay Wadanka Uga saraan Gebi Ahaandootba .

Wafdigaani uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa Kasoo Kicitimay Caasimada Puntland shalay kulamana kula Soo Qaatay magaalada Garoowe Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo ay ka wada hadleen Amaanka deegaanada Dowlada Puntlaand iyo Dalka intiisa kale.

Axmed khadar maxamed Cumar

Burtinletimes.com

Samakaab61@hotmail.com

Related Items


Leave a comment