Nin kamid ahaa Burcad badeed oo Ciidama Amaanka Puintland ku Dileen Degmada Burtinle

Sunday October 09, 2011 - 14:54:09
0 Comments
897
Super Admin
Wararka Ka Imaanaya Degmada Burtinle ee Goboka Nugaal Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan in halkaasi Lagu Dilay Nin Burcad Badeed Ahaa Islamarkaana kamid Ahaa Kooxaha Daraagiska Isticmaala, waxaana wararka BurtinleTimes halkaas ka heleeyso ay sheegayaan Dhibaatooyin Tiro Badan uu Ku Hayay Dadka ku Daqan Deegaanka Degmada Buurtinle Ninkaasi sida Ay Xaqiijiyeen Dadka Degaankaasi.

Dilka Ninkaan ayaa Yimid Kadib markii Uu Weerar ku Qaaday Bar-kontarool ahayd oo ku taala Dulayd Degmada Buurtinle,oo Ay ku sugnaaneen Ciidamada Police-ka Degmadaasi Waxaana lasheegay in Dilkiisa Ay ka danbeeyeen Ciidamada Ilaalada Ka haysa Kon-taroolka Degmada burtinle, Wararka Waxaa intaasi Ay ku Darayaan in Ninkaan uu Ka soo Jeeday Heyb ahaan Tuulada Xarfo oo Qiyaastii u jirta Buurtinle 30-km kana xigta Dhinaca Magaalada Gaalkacyo.

Sikastaba Ha,ahaatee Beryahaan Waxaa ku soo Badanaayay Deegaano fara Badan oo Ka Mida puntland Kooxaha Burcad-badeeda kuwaa Dhibaatooyin fara badan u Gaysta Dadka Ku Nool Deegaanada ay Tagayaan,Buurtinlena waxaa ay ka mid tahay meellaha Burcda Ay ku Dhaqan yihiin Walow Degaankaas La sheegay in aysan ku Badneeyn.

Axmed Khahar Max'ed Cumar

Burtinletimes.com

Galkacyo,

puntland, Somaalia



Related Items


Leave a comment