Weerar Bambaano oo Habeenkii Xalay Lagu Weeraray Xarunta Idaacada Maxaliga Ah Ee Radio Gaalkacyo

Wednesday October 19, 2011 - 11:47:05
0 Comments
1992
Super Admin
Weerar Bambaano oo Habeenkii Xalay Lagu Weeraray Xarunta Idaacada Maxaliga Ah Ee Radio Gaalkacyo

Weerar Bambaano ayaa Habeenkii Xalay Lagu Weeraray Xarunta Idaacada Maxaliga Ah Ee Radio Gaalkacyo Abaarihii 7:30 Daqiiqo, Weerarkaan Ayaan Geeysanin Wax Qasaare ah Oo soo Gaaray Idaacada Iyo Shaqaalahii ku sugnaa Midna .

Marka Laga reebo Derbi Ay Dumisay Bambada, Lamagaranaayo sababta Ka Danbeeysay Dhacdadaan Lagu Bartilmaameed saday idaacada Radio-Gaalkacyo,Si,aan Waxbadan uga Ogaano Ayaa Warbaahinta Burtinletimes.com Waxa Ay Qadka Telphone-ka Ku Wareeystay Warye Ka Tirsan Radio Gaalkacyo Laguna Magacaabo Imaan Xassan Diinle Isagoona Sheegay In Aysan Wax Khasaare ah Geysan Weerarkaasi.

14-tii Stemper Ayeey Ahayd Markii Dhaawac Lala Beegsaday Gabar Warye Ahayd magaceedana layiraahdo Xuriyo C/qaadir Taasoo ka Tirsanayd Radio Gaalkacyo,Maalmo Ka Dibna Waxaa Dhaawac Boosaaso loogu Geystay Warye Xasan max'ed cali (Anteeno) Waxaa Falkaasi Ka sii Horeeyay Weerar Bam oo Xili Habeen ah Lagu Qaaday Radiyaha Daljir Gaalkacyo.

Sanadkii Hore ayeey Aheeyd Markii Xilli Habeen ah Weerar Lagu Qaaday Idaacadaha Radio-Gaalkacyo,Hobyo-Radio,Codka-mudug oo Dhamaantood Ka Howl-gala Magaalada Gaalkacyo,Mana jirin Wax Qasaare Ah oo ka soo gaaray Waryayaashii Ku sugnaa Idaacadhaasi Iyo Qalabyadii idaacadaha Toona.

Sikastaba Ha,ahaatee Xaaladaha Warbaahinta Ka Howl-Gasha Gaalkacyo Waa MId Adag Haday ,ahaan Lahaayd Qarasha La,aan Ama Aqoon La,aan Labaduba Waxaana u Sii Dheer in Ay Yihiin Kuwo Aad isku Neceb Ama Xaasidiin isku Ah Dhinac walba Taas Ayaana Keeni karta In Daruufo Badan Soo Wajahaan Warbaahinta G/mudug.

Axmedkhadar Max'ed Cumar

Burtinletimes.com

Gaalkacyo,Somaaliya

Related Items


Leave a comment