Gacan Hadal ka Dhacay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Wednesday December 14, 2011 - 18:33:55
0 Comments
1044
Super Admin
Cismaan Caato ayaa wuxuu ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Xaruunta Golaha Shacabka ee magaaladda Muqdisho, isagoo dhinaca kalana sheegay in loola soo baxay bistoolado.
Xildhibaan Cismaan Caato oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanadii shalay xilka ka tuurtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu si weyn uu u eedeeyay Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Xildhibaan Cismaan Caato ayaa wuxuu sheegay in maanta iyagoo leh shir balaaran ay soo weerareyn Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey iyo Ciidamadda Security oo uu sheegay inay la-socdeen.

Xildhibaanka ayaa wuxuu sheegay in C/Wali Sheekh Ibraahim rag la-socday ay maanta ula soo baxeyn bistoolado, ayna ku siteen inay rasaas ku soo furaan, isla-markaana wuxuu taasi ku eedeeyay mid uu ka dambeeyay Mudane C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maanta wixii ka dhacay Xaruunta Golaha Shacabka ay masuuliyadeedu qaadi doonaan C/Wali Sheekh Ibraahim iyo raggii kale ee la-socday, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Dhanka kale Xildhibaan Cismaan Caato mar wax laga weydiiyay inay maanta wax-yeelo ka soo gaartay dhacdadii ka dhacay Xaruunta Golaha Shacabka iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay inuu aad u wanaagsan, isla-markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray.

Si kastaba ha-ahaatee dhacdadii maanta ka dhacday Xaruunta Golaha Shacabka, ayaa wuxuu Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey sheegay inuu masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Shariif, haddii buu yiri uusan ka hadlin aragtidiisa ku aadan, khilaafaadka soo kala dhex gallay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.


Related Items


Leave a comment