Uganda oo ka saxiixatay Midoowga afrika inay soomaaliya u dirto Ciidamo Police ah

Saturday June 30, 2012 - 11:46:47
0 Comments
1346
Super Admin
Dowladda Uganda ayaa heshiis kula saxiixatay midowga Africa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Heshiiskan ayaa waxa uu ahaa in dowladda Uganda ay u dirto Soomaaliya ciidan ka kooban hal cutub oo gaaraya ilaa 140-askari oo Boolis ah, kaa oo qeyb ka ah howgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Uganda ay geeneyso Soomaaliya ayaa waxa uu noqon doonaa kii ugu horreeyay ee noocisa ee howgal midowga Africa horseed ka tahay loo diro dal ku yaala Africa, oo wixii hadda ka horreyay ay uun uga qeybgali jireen shaqsiyaad xubno Poolis ah oo kaliye ah oo lagu daro ciidamada Milataryga Africa.

Booliska Milataryga ee la geenayo Muqdisho waxa uu qeyb ka yahay dardar-gallinta qorshaha cusub ee howgalada AMISOM oo ay qaateen golaha nabad-galyada midowga Africa shantii Janaayo ee sannadkan, ayna ansixiyeen golaha ammaaanka QM oo arrintaas si aad u soo dhaweeyay 22-kii bishii Febraayo ee sannadkan.

Sidoo kale waxa jira qorshayaal midowga Africa uu heshiis lagalayo dowladda Nigeria in ay ciidan Boolis keenan Soomaaliya, haatan waxa jira ciidamo Boolis ah oo tiradooda dhantahay 60 oo ku sugan Muqdisho, kuwaas oo ka qeybqaadanaya dadaalada guud ee lagu doonayo in lagu dhiso awooda ciidanka Booliska Soomaaliya iyadoo loo marayo talasiin, tababarid iyo la socodka sida ay u shaqeenayaan.

Waxa uu yahay qorshaha in Muqdisho la keeno 200 oo xubnood oo kale, waxa looga jeedaa in la xoojiyo sharciga iyo kala dambeenta ka jirta caasimada Muqdisho oo ah meesha uu ka howgalo midowga Africa kaddibna lagu fidiyo dhulka kale ee la xoreeyo.

Heshiiska lagu kala saxiixday Addis Ababa ee ah in la keeno Muqdisho ciidamo boolis ah waxa uu yimid iyadoo ay muuqato horrumar joogta ah oo ay gaarayaan ciidamada midowga Africa iyo kuwa dowladda KMG ah sida lagu sheegay warka ka soo baxay xarunta midowga Africa ee Addis Ababa.

Si kastaba, waxa munaasabada heshiiska lagu kala saxiixday joogay madax ka tirsan dowladda Uganda, midowgas Africa iyo Pooliska caalamiga ee Interpol.


Related Items


Leave a comment