Ajaanibti laga soo afduubtay dhadhaab oo gacanta Dowlada hadda soo galay

Monday July 02, 2012 - 19:02:08
0 Comments
1006
Super Admin

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id oo uu xafiiska ku qabtay ayaa sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay 7:00 subaxnimo ku guuleysteen iney soo furteen la heystayaal Ajnabi ah iyo kuwa Soomaali ah oo u adeegayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Xerada Dhadhaab.

Ku-Simaha ayaa sheegay in 4 Anjabi ah oo u kala dhalatay dalalka Labo Canadiyaan Norway, Filibiin iyo Soomaali la socotay iney Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ku guuleysteen iney soo furteen iyagoo kaashanaya Ciidamada ku sugan Jubbooyinka iyo kuwa Kenya.

“Waxaa inoo farxad ah in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen iney soo furtaan Samafalayaal Ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo laga soo afduubtay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya”. Ayuu yiri kusimaha R/wasaaraha ahna wasiirka gacansiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladihii ay dadkaasi u dhasheen u sheegay in ay gacan nabad gelyo ah ku jiraan ayna u duuleyn dalka Kenya si nabad gelyo ah islamarkaana waxaan u sheegeynaa ineysan ka niyad jabin taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed ayna u shaqeyaan sidii ay ugu shaqeyn jireen Ummadda.

Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in arrintaani ay tusaalo u tahay in Xukuumadda ay awood u leedahay in Al-Shabaab iyo qolyaha kaleba aysan awood u yeelan karin in ay Afduub ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.


Related Items


Leave a comment