Ma Eed Mise Amaan Warbaahinta Soomaaliyeed ee Maanta. W/D:Mohammud Hassan Idaajaa

Wednesday September 05, 2012 - 01:13:07
0 Comments
4799
Super Admin
Marka aad maqasho magaca Wariye (Warfidiye) waa ruux leh maskax nadiif ah kuna darsaday aqoon iyo aqlaaq aan ujeedo maldahan lahayn, kana madax banaan dan shaqsiyadeed iyo ujeedooyin qariban oo aan waxba dhisayn hormarka dhankiisana u xaglinayn

Sidoo kale kolka aad maqasho Ereyga Warbaahin waxaa Durbadiiba maankaaga kusoo dhacaya xarun laga faafiyo dhacdooyinka maalin laha ah ee aan ku xadgudbayn suncad shaqsiyadeed iyo mida shacbi midna,islamarkaana laga tabiyo barnaamijyo tayo iyo tusaale loogu daw galay,turxaan bixintuna udub dhexaad u tahay.taasi oo asalkeedu yahay helitaanka Wariyayaal aan hayb sooc aqoon tacliinta iyo daryeelka Bulshaduna yahay hamigooda koowaad.

Warbaahintu waxa ay noqon kartaa noocyadeeda kala duwan ee lawada yaqaan,taasi oo run ahaantii maalinba maalinka ka dambeeya hormar iyo howraarsi wacan sii yeelanaysa.waxaana sidaasi daraadeed xaqiiqo ah in jiilba jiilka uga dambeeya howshaan Warbaahineed ay ka fursado wacanyihiin,adeegsiga akabka shaqadana uu yahay sidoo kale asalka xadaarada u dhaxaysa heerarka xusuusta mudan ee warbaahinta caalamka kolba xili hoyanayso.

Taasi waxaa sii dheer oo aan iyana dood iyo muran ka jirin in farqiga dhanka barashada xirfadaan u baahan maskax iyo maan buuxa uu yahay mid siwayn u kala hormarsan sidaasi dardeedna Cuttubba Cuttubka uu uga dambeeyo barashada Saxaafada ay tahay mid kasii fursado badan kana helitaan og hormarka sii socda ee warbaahintu tiigsanayso,inkastoo dadaalka ruux walbaa sameeyo barashada kadib ay tahay furaha adeegsiga Warbaahinta.

Tusaale ahaan Dalalka caalamku waxa ay lahaayeen warbaahin wadanba xili ka bilatay,soona martay marxalado kolba cayn ahaa,kuwaasi oo sanadba meel ku furayay hamigooda hormarka ee dhanka warbaahinta,islamarkaana jiiljiilba dhaxalsiinayay howsha faya dhawrka leh ee ay hayeen iyagoo durbadiiba ku wareejinaya khibrada iyo waayahii wacnaa ee ay soo mareen inkastoo ay wali rumaysanaayeen in jiilalka ka dambeeya ay noqonayaan kuwa kasii wacnaan kara dhan walbaa.

Ma jirin wariyayaal dhaliila isbedelada Hormarka xambaarsan ee dhacaya kuwaasi oo Waqtiga iyo waayahu keeneen,isbedelka taariikhduna Gogosha u tahay,balse waxa ay uga jawaab celin jireen hambalyo iyo Bogaadin ay dhiiri galin uga dhigaan dhaxal sugayaashooda Warbaahinta oo iyana intii waqtiga iyo waayaha soconaya la jaan qaadikartaka xusha ugana dayda bahwayntii xirfadda uga horaysay.

Waxaa sharaxaad u baahnayn in in badan oo ka mid ah adeegyadii iyo heykal dhismeedkii shaqooyinkii ay qaban jireen haatan yihiin kuwa aan xiiso xambaarsanayn adeegsiga oraahda qaarna kol horeba laga tilaabsaday,oo ku dhawaaqistooda aan u dhadhamayn ruuxa ay dhagahiisa ku dhacayso,mararka qaarna xujo iyo hal xiraale mashquulisa dhagaystaha ama daawadaha noqon karta.

Alle Mahadiis Maanta Aduunku waa Goombo aan dhawaq ahaan kala dheerayn, dhawaqaad sheegtana meel dheer ku dhacayo,waxaana dulucda ujeedada guud tahay la jaan qaadka hormarka farxadda leh ee ay ku tilaabsanayso Saxaafada Caalamka,Bahda waqtigu kasii idlaanayana ay fahmaan in dunidu kolba heer harsanayso fahamka bulshaduna sii kobcayo.

In badan oo ka mid ah dalalka caalamka waxaa ka jira Shaqo ka fariisi ay sameeyaan shaqaala walbaa oo Da’du ciilayso si kastoo xirfadiisu ahaatana reeba khibrad ku tayasho mudan oo aan dhaliil da’yarta ku reebayn,taasi oo Macno ahaan ka tarjumaysa in xiligaasi waxii ka dambeeya maanka ruuxaasi ka yara cuslaanayo intii Hore fahamka wacyiga jirana aan xamilayn.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ay ka jirto saxaafada sii kobcaysa inkastoo ay jiraan dhinacyo ay wali ka yara jilicsantahay hadana waxaa wali isku qasan oo aan kala sooc lahayn la dhaxlayaasha Mustaqbalka iyo dhaxal sugayaasha Beri.mana jirto wax isku xir ah oo ka dhexeeya Warfidiyeenada soomaaliyeed taasi oo ka dhigmaysa iyana in aysan jirin naadi mideeya Warbaahinta soomaaliyeed,Micno ahaana ah in aysan jirin raad ay reebeen Xirfadlayaashii saxaafada ee Warbaahinta ku horeeyay oo ilaa haatan isku haysta in ay yihiin lama taabtayaal aan taariikhdu isbedel ku samaynayn.

Kolka aad xaadirto kulamada dhex mara Wariyayaasha Soomaaliyeed waxaa badanaa dareemaysaa farqiga u dhexeeya wariyayaashii Hore iyo kuwa maanta taasi oo la micna ah soomaaliya shalay iyo maanta marka laga eego dhanka Hormarka lagana tilaabsado dhanka dib u dhaca waxaana soo baxay wariyayaal aad u wacan.

Badanaa warfidiyeenadii hore waxa ay soo hadal qaadaan kolka ay khudbadaha jeedinayaan taariikh aan ku habonayn madasha la joogo iyagoo waqtiga ku lumiya ka sheekaynta qaab shaqeedkoodii iyo hanaankii ay ahayd xiliyadii hore ee shaaqdooda,kana faalooda amaan ay u jeedinayaan xiliyadoodii iyagoo aysan u muuqan Hormarka ku faanida mudan ee warbaahinta Soomaaliyeed gaartay,waxa ayna badanaa dafiraan hormarka haatan ay ku tilaabsaday warbaahinta Soomaaliyeed oo wax badan la qaybsata dalalka hormaray ee caalamka.

Waxa ay sidoo kale dhaliilaan qaabka looga tagay ereyo badan oo xiligoodii la adeegsan jiray iyagoo taasna ku sheega in ay ku timid aqoon yari haysata bahda saxaafada hormarka leh ee haatan cusub,laakiin aan dareensanayn in dunidu kolba erey ka tagto mid cusubna hesha.shalay maanta Maahan qofba waayihiisaa saamaysa tani waa Hormar lagu amaanayo dadaalka ay muujiyeen bahda cusub ee saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Wali miyaad maqashay mid ka mid ah wariyayaashii hore oo isbarbar dhig ku samaynaya isbedelka muuqda ee haatan saxaafada soomaaliyeed gaartay?Miyaad aragtay Wariye kuwii hore ka mid ah oo ka hambalyaynaya guulaha ay gaarayaan wariyayaasha labaadankii sano ee ugu dambeeya Saxaafada soo galay,Marka laga reebo eed ay u jeediyaan wariyayasha kale?

Haa! waa jirta qaladaad ay sameeyaan bahda cusub ee 20-kii sano ee ugu dambeeyay hanaanka warbaahinta Soomaaliya nooleeyay,laakiin maahan kuwa dhaliil mudan,mana ahan kuwa lagu sheego inay ka wacnayd tii ka horaysay,Tan kale ma ahan Goob warbaahineed Meel walbaa oo ku xadgudubta shuruucda Warbaahinta sida Guriga Walbaa uusan Masaajid u ahayn.

Mahadi haga gaartee waxaa jira waxgarad wariyayaal ah oo ka mid ah kuwii hore,oo had iyo jeer barbar taagan juunyarta cusub oo iyana dadaal dheer u galay sidii Soomaaliya ay wax ula qaybsan lahayd caalamka,waxaana sanad walbaa abaal marino caalamka ka qaata warfidiyeenu Soomaali ah oo isugu jira hablo iyo wiilal.
Waxaa jira kuwa kale oo iyagu maankoodu wali ka guuxayo waayihii lasoo dhaafay kuna dabaqa hadaladooda eedaymo ay u jeedinayaan da’yarta cusub ee warbaahinta, mararka qaarna ay dhacdaba in ay niyad jab ka qaadaan kolka ay u sheegaan in warbaahinta ay uga sareeyaan.

Ogow saxaafada laguma kala sareeyo qof walbaa dadaalkii uu sameeyo ayay suncadiisu noqonaysaa dadaalaa waa uu gaaraa,miraha ugu fiican ee aad yeelan karto waa in aad iska dhistaa dhan walbaa oo cilmi ah ama aad ku taqasustaa maado gooni ah adiga oo wariye ah.

Ma jiro kala sareyn dhanka warbaahinta marka laga tago dhanka aqoonta qof walbaa leeyahay oo iyana imaanaysa saxaafada kadib iyo ixtiraamka asalka u ah xuquuqda wariyaha.

Dhanka kale waxaa jira Magacyo astaan u noqdo in badan oo ka mid ah wariyayaasha Soomalaiyeed kuwaasi oo midba cayn ku hela,qaarkood waxa ay ku helaan magacyada Naynaasta ah xiliyadii dhalaanka oo magac lagu dhajiyo saasna ay ugu noqoto magac aan ka harin,kuwa kale waxa ay magacyada ku helaan dhaxal dhanka awoowayaashood oo lahaa magacyo cajiib ah,halka qaarna ay tahay kuwa looga baxsho dhanka warbaahinta.

Sidaasi oo ay jirta ayaa waxaa isku magac noqon kara laba wariye oo isku xili ah ama kala xili ahaa,ayna dhici karto midba qaab inay ugu baxday,waxaa jira dhaliilo loo jeediyo wariyayaasha isku magaca ah,laakiin dadka dhaliilaya miyaysan ogayn in magaca naynaasta sida: (Anteeno,Fantastic,Kuuriya,Hajji…..)ay yihiin kuwa la mid ah (Cabdi raxmaan,Maxamed,Xassan….)iyo kuwa kale maaxa keenay magac Tagoorka dhanka naynaasta.

Waxaan Filayaa in dib u dhac kastaa oo dhanka midaynta bahda warbaahinta Soomalaiyeed ay leeyihiin jiilashii hore maadaama aysan meesha uga tagin Naadi mideeya warbaahinta haatana ayba qaarkood iskala waynyihiin xirfadlayaasha haatan la socda dunidaan maaliba maalinka kale kasii hormaraysa.

Waxaa dhawr jeer la kulmay wariyayaal ka mid ah bahda saxaafada 20-kii sano ee ugu dambeysay heerkeeda kobciyay oo aan wax ka waydiiyay waxa ay ka aaminsanyihiin Warbaahinta Soomaaliyeed Shalay iyo maanta,waxa uuna mid walbaa ii sheegay in taasi uusan shagi ku jirin laakiin ay jiraan dhaliilo aan la aqoon halka ay ku biya shubanayaan oo ay aalaaba ka dhawaajiyaan Waayeeladii warbaahintii Hore.

Waxa ayna xuseen in adeegsiga ereyada ay yihiin kuwa aan aalaaba halkoodii joogi karin mararka qaarna iyada oo aan laga tilaabsanayn dhaqanka soomaaliyed lana masaxayn ereyada Af soomaaliga la isticmaalo Ereyada maacan ee marwalbaa ku qurxoon adeegsigooda waqtiga la joogo,sida warbaahinta caalamkuba samayso.

Hadaba hadii aad ka mid tahay Bahda warbaahinta Soomaaliyeed Xili walboo ahaato,makula tahay in ay jiraan dhacdooyinka aan qaabka maldahan usoo sheegay,mise aragtay in ay dhacdooyinkaasi caqabad ku yihiin isku xirnaan la’aanta Bahda warbaahinta Soomaaliyeed.?

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa Ornaysa “Isku Qabe aan loo qabin isla qaalan baa jira” Odayaasha Warbaahinta Soomaaliyeed intooda badan kama fariistaan shaqadooda kol kastaana waxa ay sheegtaan in ay yihiin kuwa ka aqoon badan xirfadlayaasha maanta waqtiga u hiiliyay ee aqoonta iyo xadaarada wacan helay,Iyaga oo aan sheeganayn Khibradoodii Hore ayaa waxa ay Da’da ay jiraan ee warbaahinta ay uga soo horeeyeen ku dabaqaan aqoonta iyo isla waynin kale oo ku jira.

Laakiin waxaa Xusid mudan oo aan u mahad celinayaa in badan oo ka mid ah bahwaynta saxaafada Soomaaliyeed dadaalka ay wadaan oo ah mid ku tayasho mudan,Hambalyo Warbaahinta Soomaaliyeed.

Hadaba Maxaa Talo ah oo aad intaas ku dari lahayd?!!!

Related Items


Leave a comment