Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa u an-ba-baxay Dalka Turky.

Friday November 30, 2012 - 20:40:25
0 Comments
1021
Super Admin
Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara ee xarunta Dalkaasi Turkiga.

Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Ankara kulammo kula qaadan doonna mas’uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.

Safarka uu maanta magaalada Muqdisho uga ambabaxay Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa safarka uu maanta ugu ambabaxay dalka Turkiga waxa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo tan iyo intii loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

Xigasho R.M.

Related Items


Leave a comment