Boston Islamic Center oo Marti galinaysa Mu’tamarkii Sanadlaha ahaa dabayaqada Bishaan

Friday December 07, 2012 - 15:58:44
0 Comments
1553
Super Admin

Waxaan ugu bishaaraynaynaa bulsha waynta Somaliyeed ee kunool Boston iyo nawaaxigeeda in Boston Islamic Center/ Masid Altaqwa uu sanadkaan qaban doonoo Mu’tamarkii dhalinyarada kaas oo sanad walba laqab jiray balsa aan laqaban sandkii lasoo dhaafay.

Mu’tamarka ayaa waxaa uu dhici doonaa Bishan December 22-23, 2012, waana labo maalmood oo ah Sabti iyo Axad. Mutamarka ayaa waxa uu yeelan doonaa sidii aad horayba uga barateen Barnaamijyo iskugu jira Muxaadaroyin Afsomalia iyo English ah, Bandhig Quraanka Kariimka ah, Su’aalo iyo Jawaabo, workshops loogu talagaya dhalinyarada-gabdho iyo wiilalba, iyo Barnaamij gaar ah loogu talagalay bulshada somaliyeed ee kunool Boston.

Mutamarka waxaa nagala soo qayb gali doona Culimo waaweyn oo Somali iyo Ajaanib isku jirta. Waxaana kamid ah Sh. Abdirahman Sh. Cumar oo ah Gudoomiyaha Golaha Isku taga imaamyada ee Waqooyi America, Sh. Adam sh. Abdullahi oo isna ah Imaamka Masjid weyn ee Magaalada Columbus, Oh, MasjidIbniTeymiyaiyo Sidoo kale Sh. Abdulbary Yahya oo ah Imaamka MasjidkaJaamiul MuslimeenMagaalada Seattle, WA, waxaa sidoo kale imaan doona Culimo badan oo gadaal laga soo sheegi doono hadii alle yiraahdo.

Labadii Mutamar ee lasoo dhaafay waxaa lagu qabatay Masjidka wayn/ISBCC balse sanadkaan waan kaduwan yahay meesha lagu qabanyo. Waxaa lagu qaban doonaa Xarunta loo yaqaanBoys and Girls Cluboo kutaalla 115 Warren St, Roxbury, MA 02119.

Hadaba Nafteena iyo Ehelkeenaba aan u faa’idayno annagoo kawada fa’idaysanayna Kulankaan aadka muhiimka u ah iyo culimada Safarka noo soo gashay si ay noogu faa’ideeyaan.

2012 Boston Islamic Center Mutamar

Taariikhda:

Dec 22-23, 2012 | 2:00pm to 10:00pm

Goobta:

Boys and Girls Club: 115 Warren St, Roxbury MA 02119

Cinwaanka Mutamarka:

“Qofkii raba lakulanka ALLAH, hasameeyo Acmaal wanaagsan”

Wixii warbixin dheeraad ah nagala soo xiriir

617-522-1881ama857-204-3359

Sidoo kale waxaad nagala socon kartaa FACEBOOK adigoo “LIKE” garaynaya boga masjid ee Boston Islamic Center ama Twitter-ka oo ah @BICMASJID


Related Items


Leave a comment