Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Xarigga Ka Jaray Saalada Qaliinka Ee Isbitaalka Martiini

Monday December 25, 2023 - 12:36:55
0 Comments
61
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Adam ayaa xarigga ka jaray Saalada qaliinka guud ee Isbitaalka Demartiino kadib dib u howlgalin, dayactir iyo qalabayn cusub oo lagu sameeyey saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ah ee Isbitaalka.

Saalada qaliinka ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib dab ka kacay aaladda suuxinta bishii March ee sanadkaan 2023 dabkaas oo khasaaro badan gaystay ayna ku bas beeleen dhammaan wixii agab iyo qalab yaalay qaybaha gubtay.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed, Isbitaalada iyo xarumaha gaarga loo leeyahay iyo kuwa danta guud sida ay ugu soo gurmadeen una garab istaageen isbitaalka Demartiino.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimayaasha Isbitaalada, Agaasimaha machadka Qaranka ee Caafimaadka Xoghayaha golaha mihnadlayaasha Caafimaadka iyo gudoomiyaha Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed,isagoona wasiirku ku gudoonsiiyay shahaado sharaf xubnaha gudiga ahaa ee isku howlay gurmadka saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka deg degga ah ee Isbitaalka.


Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment