Bahweynta isboortiga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kulmey magaalada London

Sunday February 17, 2013 - 19:22:01
0 Comments
1069
Super Admin

Bahweynta isboortiga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kulmey magaalada London

Waxaa xaleyto kulan baalaran ku yeeshay galbeedka magaalada London gaar ahaan maqaayada Blue Ocean bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada London iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo haatan fasaxooda ku jooga magaalada London,kuwaasoo kale ahaa:
Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Juriile.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac

Xildhibaan Cabdullahi Xaaji Dayib

Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Deeroow

Xildhibaan Cabdullahi Yusuf Maxamed

Xildhibaan Maxamuud Guure.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadley macalin Xasan Faarax ”John” oo uga mahadceliyay sida sharafta leh ay xildhibaanada Soomaaliyeed caawa ugu yimaadeen munaasabadaan bahda isboortiga islamarkaana warbixino kooban oo ku saabsan isboortiga iyo doorka Qurbajoogta ka sheegay halkaasi, kadibna waxaa iyana markaas kadib ka hadley Mudane Dahir Cali Kulmiye oo ahaa ninkii soo qabanqaabiyay kulankaan, Macalinkii Qaranka Cabdiraxmaan Guhaad ”Shiino”. ciyaaryahankii weynaa Qaranka Maxamed Ismaaciil Cali. Mudane Xuseen Aden ”Deeq”.


Mudane Maxamed Buuwe.Garsoore Maxamed Cali Weerow. Mudane Cabdirashiid Isloow. Jaalle Yusuf Yusuf. Mudane Cabdixaafid Maxamuud, kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin la kulanka mudanaayashan Soomaaliyeed iyo sidii bahda isboortiga diyaarka ugu yihiin inay ka qayb galaan dib u heshisiinta iyo dib u dhiska dalkooda Soomaaliya,islamarkaana waxay u sheegeen in gobalada dalka Soomaaliya dhan sidii isboortiga looga qayb galin lahaa ay u istagaan xildhibaanada iyo sidii dadkii isboortiga ahaa ee wadanka ku harey looga shaqaaleysiin lahaa xiriirada isboortiga iyo gudiyada Olambikada,si looga gudbo dadka qolka inta ay isku xiranaya ay sheeganaya inay isboortiga Soomaaliya dhan masuul ka yihiin iyagoo aysan jirin gobal iyo bulsho isboorti oo raacsan.


Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi mid mid uga hadley mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo ka mahadceliyay soo dhaweynta,sheegayna inay sharaf u tahey in bahweynta isboortiga reer London caawa la kulmaan, isbartaana islamarkaana isku xog wareystaan xaalada guud Soomaaliya iyo gaar ahaan isboortiga.

Waxyaabihii ay noo sheegeen xildhibaanada Qaranka dhamaantood iyo talooyiinkii ugu muhiimsanaa anigoo soo wada koobaya waxay ahaayeen sidatan :

In bahda isboortiga adkeeyaan midnimadooda,islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii wadanka ugu soo laaban lahaayeen.

In isboortiga u isticmalaan dib u heshisiinta iyo walaaleynta umadda Soomaaliyeed.

In isboortiga lagu soo celiyo sharaftii iyo magacii umadda Soomaaliyeed kulahaa fagaarayaasha caalamka.

In bahweynta isboortiga wadanka yimadaan ku maraan socod dheer gobalada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan, si moorooyinka lagu kale xir xirtey umadda Soomaaliyeed loo jabiyo, si shacabka kale xirnaanshaha ay ku jiraan looga saaro

In isboortiga Soomaaliya oo dhan ka jira ay gacan siiyaan bahweynta Qurbajoogta, islamarkaana wadamadaan ay joogaan ay kaga faaideystaan isboortiga,waxayna tusaale u soo qaateen Mo Farah iyo Fanaanka wadaniga ah keynaan, kasoo world cup furitaankiisa dunida dhan horkeenay calanka Soomaaliya.

In isboortiga is dhexgalka bulshada iyo isku xirkiisa umaddeena looga faaideeyo.


Xildhibaanada waxay sheegaan in Soomaaliya meel xun gaartey ayna adag tahey inay ka soo laabato hadii aan meel la iska dhigan khilaafkaadka yar yar ee umadda ku kale dhex jira,islamarkaana qof kasto oo Soomaali ah u istaagin sidii dhooqada wadankeena ku jirto uga saari lahaayeen, maanta wax walbo sidii hore ma ahan inaan qaran noqono dad aan rabin baa jira shisheeye ku shaqeynaya ayaa jira, hadii aynan soo ceshan si wada jir ah midnimadeena iyo walaalnimadeena waa adkaaneysaa, marka isboortiga iyo fanka waa inay ka soo baxaan kaalintooda ayay yiraahdeen mudanayaashan lixda ah ee la hadley bahweynta isboortiga


Docda kale waxay noo sheegeen in baarlamaanka uu rajaynayo inay sharciga ilaaliyaan aysan dhici doonin sidii dhici jirtey, anaga waxaan isku dhaarsaney inaynan ku shaqeynin mardambe baarlamaanka qabyaalad hada kadib oo aan ku shaqeeyno Soomaalinimo dhab, inkastoo aan beelo ku nimid hadane meel ayaan iska dhigney arinkaasi, mana dhaceyso kuraas dambe isku garaacno, la socdo wadanka UK baarlamaankiisa horey waa u soo mareen inay is garacaan, hadase anaga maanta kuraastii waan badalney kuraas dhulka ku dhagan baa noo taal xaruunta golaha shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan kulamo la yeelanayaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan wadankaan si aan xog uga aruurino waxyaabo badan islamarkaana aan wadanka uga howl galno, anaga shaqadeena waxaan u gudan doonaan si wanaagsan, wax walbana miiska dushiisa ayaan soo dhigeynaa xukumadana waan kula xisaabtameynaa shaqadeeda, waa dhamaatey laalaab iyo musuqmaasuq ayay dhaheen.

Dhanka isboortiga mar ay ka hadleen kaalinta ay ka qaadan karaan waxay sheegeen inay yihiin isboorti islamarkaana ay jecel yihiin, ayna og yihiin in isboortiga faaido badan wadankeena u leeyahay, Olambikada iyo xiriirada way is dooran karaan laakinse waxaan idin sheegaynaa in xukumada gaar ahaan wasaarada arimaha bulshada in looga fadhiyo inay soo diyaariso siyaasadii iyo sharcigii isboortiga wadanka lagu maamuli lahaa, kadibna ay baarlamaanka u horgeyn lahaayeen, si ay uga doodaan una ansaxiyaan sharcigaas kadibna loogu howl galin lahaa maamulka isboortiga qaranka,taasoo aad moodo in wax badan inay socdan oo isbadalo ah.

Munaasabadiina waxay ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley, iyadoo lagu balamey in xiriirada halkaasi laga sii wado islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii Soomaaliya loogu shaqeyn lahaa mustaqbalka.

W/D:Yusuf Yusuf ||sspamedia.com||mrsomalia@hotmail.com||London

Related Items


Leave a comment