Raysal Wasaaraha Cusub Cabduweli Sheykh Iyo Hawsha Sugeysa

Tuesday December 24, 2013 - 21:46:06
1 Comments
3633
Super Admin
Ummad walba waxaa sababa in ay horay-ummarto ama dib u dhacdo iraadada Ilaahay kasokow madaxdeeda. Ilaa 12kii sano ee u dambeeyey waxaa laga dhamman waayey is-qabqabsiga madaxda Soomalida taas oo ragaadisay howlihii qaran burburay.
Addunyaduwaxay ka yaabantahy waxa aan ka sameysannahay maxaayeelay mid laggaray labanalaggaray ee madax kulligood isdoortay hadan dagaalamaysa hal sono kaddib lamaarag innaga ka hortow. Laga- soo- bilaabo Abdiqaasim iyo Cali Khalif illaHassan Sheykh iyo Saacid Somalidu wax yeelatay 10 R/Wasaare, 4 madaxweyne iyo 5Afhayeenka Barlaman. Intaas waxaa dheer Madaxweynayaal Dowlad Goboleedyo oomidwalba ay wadato Barlamankeeda iyo wasiiro goboleedyadeeda. Intaas oo madaxah oo Soomali horboodeysay muddaas dheer wax ay ka baddaleen xaaladdi Soomaliyanooma muuqato. Waxaan had iyo jeer maqlaa Musharraxa jago hebla' iyo hebla'lakiin barnaamij qeexan oo cadna intooda badani sooma bandhigaan kii soobandhigaan ma fuliyo ee wadadii kuwii hore buu raacaa.

Hadabamaqaalkaan waxaan kula dardarmaya R/Wasaaraha Cusub Cabduweli Sheykh Ahmed ooah nin caqli, cilmi iyo waayo aragnimo shaqo leh in uu baddalo waddadii xore eewaxtar xumida ku sifowday, soona bandhigo howlaha uu qabanaayo 6 bilood hore,12bilood iyo 24 bilood ee soo socota taas oo uu kula xisaabtamayo wasiiradiisaShacabka iyo baarlamankuna kula xisaabtamaan wax-qabadka dowladdisa. Si taas udhacdo waa in Madweyne Xassan Sheykh ku ekaadaa Madaxtooyada iyo howsha asagaDastuurku u qeexay oo fargelinta kaddayo howl maalmeedka golaha wasiirda iyoawooda R/wasaarha uu Dastuurku u qeexayo.

Haddi uusan Madaxweyna Xassan howsha u dayn R/Wasaaraha ma fursan doonto inisqab-qabsigii yimaado waliba waxaan aaminsanhay in uu halsano ka soo hormaraysomaxaa jira haddi aan aqaan Cabduweli Sheykh "Shimbirayahow heesa" iyoyeerinta Dammu Jaddid oo aad moodid in dalka xukumaan ma ogolaandoono. Qof, qoflagu badalay wax matarto ee barnaamij iyo fulintiisa ayaa wax tarta. Waxaa layaab leh madaxda haatan oo ka degiwaayday dayuurado ay u qaadanayaancaasimadaha addunka si ay isula sawiraan rag iyo dumar dalkoodu u dhisanyahayuna qaatay in dowladnimadu sidaas tahay ayaa waayahaan dambe Soomaalidahogaaminayey.
Addunka madaxdu waa isku sharfaan casumadaha oo dhalashada xilohooda xataa waa kugu casumayaan mar hadday casumaad arkaan madaxda Soomaalidu waliinjada ay diyaarsadaan. Waxaan ka rajeyneynaa R/Wassaraha cusub in uu arrintaas badalo oo xakameeyo safarda dibadda iyo dalalka deriska ah oo lagu sii dhubuqdhubuq leeyahay. Tan kale in uu xooga saaro sidii ciidanka Soomaliya loo dhisi lahaa maxaa jira amni iyo difaac-toona ciidan shisheeye kuma hirgelin karo ee ciidan qaran baa hirgelinkara.
Ugu dambeyntii wasiiro laguu xulay qabiil iyo nin jecleysi howl qaranka iyo barnamijyada aad hirgelineysid midna kuuma fulin karaan ee waa in R/wasaaruhu xushaa dadkiisa uu ku kalasoonyahay in ay karti iyo aqoon u leeyihii howsha uuu magacaabayo. Mar haddi R/Wasaarihiii hore Saacid lagu casilay waxtar xumo waain aan wasiiradii hore midna ka soo noqon ee la wada casila illaan howsha waawada wadeen ee Saacid keliya ma ahayn waxtar xumida lagu sheegay.
Wax qarsoonima jiridoonaan oo shacabka Soomaalidu iyo addunkuba waa garankaraan wasiirkiimadaxweynuhu keenay iyo kii afhayeenka barlamaanku keenay. Hadday arrintaasidhacdo Barlamanka Soomalidu marka horaba waa inay u diidaaan kalsonidaR/Wasaaraha illan waxba u fulinmayaan wasiiro cidkale keensatay oo kahaybeysanmayaane R/Wasaaraha. Dastuurka, Dastuurka iyo Dastuurka halagu dhaqam,o Barlamankowna ilaali asagaad ku dhaaratay in aad ku dhaqantid.

Cabdulqaadir Aaden "Jangeli"

Email; Jangelione@yahoo.com

Related Items

Comments


Leave a comment