Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xarunta wasaarada arrimaha dibada ee dalka kenya kula kulmay Wasiirada arrimaha dibada ee dalka Kenya Marwo Aamina Maxamed Jibriil.
Kulankan ayaa waxaa labada wasiir waxay kaga wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya wadamada soomaaliya iyo kenya.
kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Amb Josephat Maikara iyo Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani kenya Amb Maxamed Cali Nuur (Americo ) qunsulka safaarada soomaalida ee kenya Siyaad Maxamuud Shire iyo Diblamaasiyiin kale.
Wasiirka ariimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka war bxiyay kulankii uu la yeeshay dhigiisa dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii dowlada Kenya ay u tababari lahayd shaqaalaha wasaaradaha xukuumada Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee Kenya ay booqan doonto magaalada muqdisho si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya ayaa galabta u ambabaxay dalka Kuwait,halkaasi oo uu kaga qeyb gali shirka wasiirka arrimaha dibada ee waamada carbeed oo gogol xaar u ah shir madaxeedka wadamada carabta.
Leave a comment