Wiil Soomaali Mareykan ah oo lagu dilay magaalada Minneapolis

Saturday January 02, 2021 - 16:35:38
0 Comments
404
Nasteeh Bare
Qaar ka mid ah shacabka magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka oo careysan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay booliska magaaladaas u geysteen wiil Soomaali-Mareykan ah. Wiilkan oo la oran jirey Doolaal Beyke oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo. Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah. Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay. Cabsida ugu weyn ee ay laamaha amniga ka qabeen isu soo baxa dadka deegaanka ayaa ahayd in arrintu ay isu baddasho dibadbaxyadii daba socday dilkii George Floyd, kuwaasoo gilgilay guud ahaan Mareykanka. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa booliska ka dalbaday in ay usoo bandhigaan muuqaalka kaamirada jirka ee duubtay dhacdada. Taliska booliska magaalada ayaa shacabka u ballan qaaday in ay shaacin doonaan muuqaalka, iyagoo markii dambena sii daayay muuqaal hal daqiiqo ka yar oo laga arkayo sida ay wax u dhaceen. Mudaharaadeyaal iyo boolis is hor taagan, xilli ay shacabka dalbanayeen in la tuso muuqaallada kaamirada jirka ee laga arkayo dhacdada Markii uu falkaas dhacay kaddib, ciidan boolis ah ayaa gaaray guriga qoyska uu wiilka la dilay kasoo jeedo, iyagoo ku qeyliyay carruur yar yar kaddibna waalidiintiisa u sheegay in wiilkooda uu dhintay, sida lagu qoray wargeyska Sahan. Wiilka aabihiis, Bayle Adod Gelle, oo dhalay 11 carruur ah ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisuba ay argagax weyn kala kulmeen booliska markii ay gurigooda tageen. "Cabsi xoog leh ayaan dareemay, waxaan u maleynayay in ay na dili rabaan boolisku," ayuu Bale ku yidhi wareysi uu siiyay wargeyska Sahan. Xigasho Jowhar.com

Related Items


Leave a comment