Gudiga KMG ee rugta gacansiga oo ka hadalay sidii loo dhisi lahaa

Monday January 18, 2021 - 23:46:37
0 Comments
304
Nasteeh Bare
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka qabsoomay shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn.

Shirkan ayaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, kadib markii dhawaan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya kala dirtay maamulka Rugtii ganacsiga sidoo kale magacawady Guddi KMG ah.

Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka wadatashiga ay la qaateen ganacsatada ayaa sheegay in ay ka shaqeenayaan dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo loo dhan yahay.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ujeedka shirkan uu yahay sidii ay ganacsatada Soomaaliyeed ugala tashan lahaayeen dhismaha Rugta Ganacsiga iyo sidii ay uga talo bixin lahaayeen xeerarkii iyo nidaamkii loo mari lahaa dhismaha guddigan.

”Waxaan isugu nimid maanta in aan ka doodno sidii loo sameyn lahaa sharci iyo nidaam ay yeelato Rugta ganacsiga iyo dib u habeyn lagu sameenayo, iyo in la diyaariyo guddi farsamo oo kasoo shaqeeya doorashada iyo sidii loo heli lahaa maamul ay yeelato rugta Ganacsiga loo wada dhan yahay loo dhisi lahaa , Rugta ganacsiga ee la dhisayo waa in ay noqotaa mid laga tashado si ay u noqoto mid raali laga wada yahay oo lawada leeyahay” ayuu yiri Gudoomiyaha KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ganacsatadii kasoo qeyb gashay shirka oo dhankooda hadalo ka jeediyay shirka wadatashiga ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga waxa ayna sheegeen in ay garab ku siinayaan dhismaha Guddiga dhismaha Rugta Ganacsiga oo loo dhan yahay.

Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa u balamay in ay isugu yimaadaan kulamo kale oo ay uga arinsanayaan sidii loo dhisi lahaa Rugta Ganacsiga sidoo kale la isugu keeni lahaa inta badan Ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Related Items


Leave a comment