Munaasabad Lagu Maamusayay Dhaqanka Iyo Hidaha Soomaaliyeed Dhusomareeb

Sunday February 28, 2021 - 23:07:43
0 Comments
461
Super Admin
Wasaarada Warfaafinta Hidaha & Dalxiiska maamulka Galmudug ayaa Galabta magaalada Dhuusareeb ka daah furtay munaasabada Lagu maamusayay dhaqanka iyo hidaha soomaaliyeed

Xuska munaasabataas Waxaa ka qayb galay wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Galmudug iyo wasiirka amniga Axmed Macalin Fiqi sida uu meeraysane.com u sheegay wariye Cabdi najiib oo ka howlgala Galmudug.


Munaasabada ayaa ahayd u jeedkeeda sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan aqoonta u lahayn loo xasuusin lahaa dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed.


Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay u dhisi lahayeen xarun Lagu keeydiyo agabka dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaasna ay maalgelin doonaan xirfalayaasha kala duwan ee dhaqanka.

-Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment