Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Oo Faah faahiyay U Jeeda Socdaal Waftiga Madaxweynaha

Saturday March 13, 2021 - 19:36:53
0 Comments
458
Meeraysane

Kadib imaanshiyaha wafdiga madaxweynaha Puntland waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka madaxtooyada puntland jaamac dabaraani ayaa Ugu horeeyn ka mahad celiyay Soo dhaweeyntii Magaalada muqdisho loogu Soo dhaweeyayay wafdiga madaxweynaha Puntland..

Afhayeenka ayaa tilmaamay in socdaalka wafdiga madaxweynaha Puntland Uu qayb ka yahay howlo shaqo oo Ku saabsan masiirka Dalka iyo sidii doorasho la isla ogolyahay uga dhici lahayd Dalka oo waafaqsan heshiiskii 17 sitember ee sanadkii 2020.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya magaalada Muqdisho. 

waxaana hore magaalada caasimadda u sii joogay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle Axmed Maxamed Islaam iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali guudlaawe).

Related Items


Leave a comment