Madaxweynaha Federalka Oo Tacsi Ka Diray Geeridii Ku Timid Tababarihii Xulka Kubada Kolayga Qaranka

Tuesday March 30, 2021 - 20:19:47
0 Comments
347
Meeraysane.com

Allaha u naxariistee Xidiggii Kubadda koleyga Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab oo ku geeriyooday Dalka isu taga Imaraadka Carabta UAE.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka Geeriyooday.

Madaxweynaha Federalka ayaa tilmaamay in Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab uu ahaa xidig Qaran oo dalkiisa u soo hooyey guulo dhanka ciyaaraha kubadda Koleyga, isaga oo door weyn ka soo qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, Isagoona soo saaray ciyaartooy waxtar u leh Xulka Kubadda Kolayga heer Qaran.

 
"Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab waxa uu ahaa Xidig Qaran oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo saftay xilliyo kala duwan, isaga oo ka mid ahaa xidigaha Qarankeenna guulaha u keenay”

Related Items


Leave a comment