Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho shir uga furmay

Saturday April 17, 2021 - 13:15:35
0 Comments
417
Nasteeh Bare
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno katirsan Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kulan gaar ah uga furmay goordhow Xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa si cad uga soo horjeedsatay go’aanka Golaha Shacabka 12-kii April 2021 uu ku laalay wadahadalkii salka u ahaa heshiiskii 17-kii September 2020 ee Madaxda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ka gaareen doorashooyinka dalka.


Kulanka oo aan horay loo sii shaacin ayaa wararku ay sheegayaan in loogaga hadlayo arrimo ku saabsan muddo kordhinta uu garab ka mid ah Baarlamaanka u sameeyey Madaxweynaha.


Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay in wadahadalka Doorashada ay sal u yihiin heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho & Shirkii Guddiga Farsamada Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir 16-kii febaraayo Baydhabo ku qabsoomay.


Related Items


Leave a comment