Shirkada Telfoonada Golis oo Fasaxday in La adeegsan Karo Hal dolar & Wixii Ka yar

Saturday June 12, 2021 - 17:02:52
0 Comments
492
Meeraysane.com

Shirkada Golis telccom ayaa Maanta xayiraadii saarnayd Ka qaaday gobolo badan oo puntland ka tirsan kuwaas oo aan isticmaali jirin Wax Ka yar $1 dollar arintaas oo ay Ka codsadeen guddi uu madaxweynaha puntland u saaray lacagta shilin Somaaliya ah kale hore.


Arintaan ayaa Waxaa Soo dhaweeyay dad weynaha kala duwan ee ku dhaqan degaanada puntland marka Laga Reebo magalooyinka ku yaalla xuduudaha maamulka puntland uu lawadaago maamulada kale oo iyagu aysan samayn xayiradaasi.


Lacagta shilin somaaliga ah ayaa istaagtay horaantii sanadkaan kadib markii ay qaadan wayeen puntland iyo Ganacsatada islamarkaasna ay Shegeen in lacagtan ay tahay been abuur ah, taas oo keentay in dadku qof yar qof weyn isticmalaan adeega Mobail Money Service ee SAHAL  GOLIS TELECOM.


Sikastaba Hanoqotee Fariintan Ka timid shirkada telfoonada Golis ayaa Waxaa ay Ka farxinaysaa dadka danyarta ay ee ku dhaqan degaanada kala duwan ee dowlada goboleedka puntland, iyagoona adeegsan Kara Zantiyada ugu jira mobailada.

Meeraysane.com



Related Items


Leave a comment