R/W Taako kamid Ah dalkeena laguma soo xad gudbi karo waan difaaceynaa (DAAWO)

Tuesday January 02, 2024 - 12:36:38
0 Comments
76
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in taako ka mid ah dhulka, badda iyo hawada dalka aan lagu soo xad gudbi karin.

Mudane, Xamsa oo ka hadlayay kulan xasaasi ah oo ay maanta ka yeesheen golaha Wasiirrada XFS damaca Itoobiya ee ku qaaddan u hanqal taagga biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihii difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is dejiyaan, wuxuuna sheegay inaan lagu soo xad gudbi karin geyigeenna, kana go’an tahay difaaca dalkeenna guud ahaan.

"Taako kamid ah dhulkeenna, baddeenna iyo hawadeenna laguma soo xad-gudbi karo, waana difaaceynaa, "Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment