Saxmad Aad U Wayn Oo Laga Daremaayo Maanta Suuqa Xoolaha Galkacyo

Sunday July 11, 2021 - 13:32:28
0 Comments
305
Galkacyo


Dhaq-dhaqaaq aad u wayn ayaa laga dareemayaa suuqyada kala duwan ee magaalada galkacyo gaar,ahaan suuqyada lagu gado ariga madaama ay maalmo kooban ay ka hareen ciidul adxaa oo ah ciidii hilibka.

Ciidan ayaa ka duwan ciidii Soonfur oo ahayd ciid fidrada La iska bixinaayay ruuxii awooda, Halka ciidul Adxaa dadka xujayda ah oo waajibkaas gudanaya mooyee islaamka intiisa kale ay Neefaf gooyracayaan ruuxii awooda sida Ku cad Axadiista Nabigeena CSW.

Sidoo kale waxaa mashquul aad u badan uu ka jiraa Carwooyinka Lagu Iibiyo dharka labiska ah ee haweenka Raga & Caruurta islamarkaasna ay yalaan Alaabada Caruurtu Ku Ciyaraan inkasta oo sicir barar baahsan uu ka jiro dalka.

Isku Soo duu - duub Ciidul Adaxaa Ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo aysan shaqaynin lacagta shilinka soomaaliga guud ahaan degaanada maamulada galmudug iyo puntland sida ay inoo xaqiijiyeen dad xog ogaal u ah sarifka lacagaha Qalaad.

Axmed Maxamed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo  

Related Items


Leave a comment