Maareeyaha Guud ee Amniga Garoomada Soomaaliya Oo Kormeeray Aadan Cadde Airport

Saturday July 17, 2021 - 22:09:49
0 Comments
315
Muqdisho

Maareeyaha Maamulka Guud ee Amniga Garoomada Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka police-ka Garoonka Aadan Cadde ayaa kormeeray Garoonka, iyagoo kula Dardaarmay in ay sii laba laabaan Sugidda Amniga Garoonka Aadan Cade intranational Airport.

Ciidamada police-ka ee ka howlgala gudaha iyo banaanka hore ee laga soo galo garoonka ayaa qeyb weyn ka qaata howlaha lagu ilaalinayo amniga gaar'ahaan qaybta barista gaadiidka rakaabka, iyo dadka howlaha ganacsiga iyo sidoo kale hay’addaha kale ee howl-maalmeedkooda ka raadsada Garoonka.

Qaybaha Nabad gelyada Sida police-ka oo kaashanaya hubin & feejigan ayaa guta howlahooda si waafaqsan shuruucda suggidda amniga iyo illaalinta ee kumanaan ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalinkasta dhoofta garoonka ama ka soo degaya soda ay sheegtay warbaahinta Qaranka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment